Wadooyinka Cadhada Lagu Dejiyo!

0
286

Dadka degan magalaaada Newyork ee dalka Maraykanka ayaa mar keliya ka war helay barkimooyin midabkoodu huruudda yahay ee, kuwaasi oo lagu taxay dariiqyada magaalada oo aan la fahmin sababta ka danbaysa ee loo sameeyay.

Waxaana la baahiyay wararka ah in barkimooyinkan loo sameeyay si qofka cadhaysani feedha ula dhaco ka dib marka uu daalo ay cadhaduna ka degto iska seexdo, halkii uu ku kici lahaa falal uu naftiisa ama nafo kale ku khaarajiyo. Waxaana loo soo jeediyay bulshada inay ku cadho bururaan marka ay dariiqyada marayaan.

Waxa kale oo warbaahintu sheegtay  in barkimooyinkan la sudhay waddooyinka New York  ee iftiinka badan ay  qeyb yihiin barnaamijka  Design Nycx, oo ah kulan magaalada ay ku qabsadaan farashaxanada caalamka .

Dad tiro badan ayaa sawiro laga qaaday iyagoo durbadiiba feedh la dhacaya barkimooyinka yagoo wejigoodan ay cadho ka muuqato.

Leave a Reply