Lix Sano Ayay Ninkeeda Xambaarsanayd!

0
237

Wargeyska, “Yoomi Saabic”, ee dalka Masar ayaa daabacay dhacdo bani’aadamnimo, oo ahayd in gabadha Hiba Al-sayid ay ninkeeda oo buka ay 6 sano dhabarka ku xambaaraysay si ay u geyso Isbitaalka.

Hiba ayaa sheegtay in ninkeeda ay kelyuhu fadhiisteen iyadoo weliba uu dacifay muruqyada wadanaha.  Ninkeeda Khaalid waxa uu ahaa darawal gaadiidka kaxeeya oo ku filan qoyskiisa noloshiisa, waxaana ay degan yihiin bariga magaalada Qaahira, laakiin hadda waa qoys sabool ah.

Gabadh Heba, oo ah 23-jir Masaari ah, ayaa sheegtay in ay ku nooshahay guriga soddoggeed, iyada iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyo 3 wiil oo uu dhalay ninkeedii dhintay walaalkiis.

Xaaska Hiba waxa ay toddobaadkii 3 jeer geysaa isbitaalka si loogu safeeyo kelyaha, iyada oo dhabarka ku sidata, ka dibna waxa ay ku soo celisa gurigeeda iyadoo markaasi hawlaha guriga bilaabata. Qoysku xataa ma awoodaan inay iibsadaan baskiiladda curyaanka oo ay ku kaxayn lahayd halka ay dhabarkeeda ku qaadayso.

Hiba ayaa sheegtay in ay la ildaranay bulshada oo dhamaantooda soo wada eegaya, marka ay arkaan iyadoo xambaarsan suuq weynaha ay dadku ku badan yihiin, iyado marka loo sheego inuu ninkeeda yahay ay aad dacaayadda ugu badiyaan. Qaarkooda ayaa igu dhega hadla oo yidhaa : “ Waxaas ayaa jacayl ah” , waan xishooda oo khajilaa, haddana kama joogsado waajibka I saran. Waxa uu ahaa ninkayga Khaalid mid na ilaaliya oo noo damaqada wakhtigi aanu bukoon.

Ninka Hiba ayaa isagu aad u amaanay xaaskiisa, isagoo sheegay in wax kasta oo uu sameeyo, aanu buuxin Karin xaqeeda. Waxaana uu yidhi:” haddii hooyaday ay i xambaartay 9 bilood anigoo uurjiif ah, xaaskayga waxa ay i xambaartay 6 sano anigoo xanuunsanaya.

Leave a Reply