Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in Hablaha ay Difaacayaan Ganacsigooda iyo Xoriyadoodaba

0
447

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu difaacayo xoriyada iyo ganacsiga ay hablaha reer Somaliland leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dumarku ku dulman yihiin, dhaqanka Soomaalida, isla markaana, uu xukuumaddiisa kasiin kariwaayay qaybtii ay ku lahaayeen cadaadis bulshada kaga yimid awgii.

Madaxweyne Biixi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Dumarku way ku dulmanyihin marka aynu wax maamulayno, dhaqankeenu wali hablaha wuu riixayaa, sadkii ay ku lahaayeen xukuumaddayda waan kasiin kari waayay waayo umadda ayaa igaga hortimid, qaar badan oo is dhisay oo mutacalimiin ah ayaa jooga oo mudnaanta raga lasiiyo lama siiyo”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ragga qaarkii ay weerar ku yihiin, dumarka ganacsiyada leh, isagoo sheegay in ka madaxweyne ahaan uu difaacayo isla markaana, uu garab taaganyahay.

Waxaanu yidhi.”Waxa soo baxay hablo badan oo reer Somaliland ah oo mashruucyo badan oo ganacsigu ka mid yahay samaystay, waxa soo baxday oo la dareemayaa in uu ragu hablaha ka garbinayo xataa in ay soo galaan baayac mushtarka, halkan waxaan u imid in aan isgarab taago oo waajibku ifarayo oo dastuurku i farayo”

Madaxweynaha isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray.”Hablaha iyo ragu way u siman yihiin sharciga, caafimaad, baayacmushtar tacliin iyo xoriyada, haday danbi galaan Qaranka ayaa xaq u leh in uu qabto, sida inanku danbi u galo ayuunbay inantuna u gali kartaa, maaha nin suuqa jooga in uu yidhaahdo aniga danbiga ka jaranaya, oo ragaba kuma dhacee ma hablaha loosoo qoslayaa, waar hablaha waan difaacaynaa”

Madaxweynaha Somaliland ayaa is garab taagay Layla Ibraahin Cumar, oo maalin kahor warbaahinta ka sheegtay in nin ganacsade ahi uu qorshaynayo in uu burburiyo meherad laga cunteeyo laguna caweeyo oo ay ku leedahay degmada Koodbuur ee Hargaysa.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo gaadhay cabashada Layla, kulan deg deg ah la qaatay Layla iyo madaxda hay’adda ammaanka.

Leave a Reply