Xukuumadda Somaliland oo mabnuucday shirarka beellaha ee aan ogolaanshiyaha loo haysan

0
317

Hargeysa (Dawan) Maamulka gobolka Maroodijjeex ayaa amray inaan magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda lagu qaban karin shirar huwan magacyo beeleed, oo aan ogolaasho ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaas maalmihii u dambeeyay abaabulkoodu socday.

Amarkan oo soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex mudane  Maxamed Cali Axmed, waxa lagu sheegay in shirarkani yihiin kuwo ay qabsanayaan dhallinyaro.

Shirkadaha wax daabaca iyo huteelada ayaa lagu wargeliyay in aanay arrimahaas gacan ka gaysan, iyadoo ciidamada ammaankan la faray inay tallaabo ka qaadaan ciddii u hoggaansami wayda amaradaas.

Nuxurka warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodijeex waxa ay u dhignayd sidan.

No photo description available.

Leave a Reply