Mucjisada Noolaha iyo Noloshiisa !

0
443

 

Rahu waxa uu ka mid yahay xayawaanka caanka ah ee dunida qaarad kasta ku nool. Waxaana la sheegay inuu ka kooban yahay 2700 nooc, qaybo beriga ku nool oo biyaha gala wakhtiga ay tarankoodu gaadho,  iyo kuwo berriga iyo biyahaba ku nool.

Rahu waxa uu dhalaa markiiba malaayiin beed ah, si uu u ilaaliyo waxa uu ku daboola walax jilicsan oo aad u dhadhan xun si uu uga ilaaliyo xayawaanada kale ee cuna ama dhib kale u geysanaya.

Rahu waxa uu ku ugaadhsadaa carabkiisa dheer taasi oo la ogaaday inuu leeyahay maado sida laydhka ugu dhegta hadba cayayaanka uu rabo inuu ugaadhsado isla markaana uu cuno.

 

Waxa kale oo uu leeyahay laba dhegooda oo marka uu doono jidhkiisa kuwada dabolo. Waxa iyana mucjiso noqotay in Rahu marka uu ku jiro biyaha uu ka neefsado xuubkiisa sare. Xuubka ayaa leh godad yaryar oo khafiif ah oo u fudaydinaya inay hawada ogsiijiintu soo marto. Laakiin marka uu beriga joogo waxa uu ka neefsada sanbabadiisa.

Raha ayaan raashinka aad ubadsan waxaana uu todobaadkii wax u cunaa saddex ama ugu badnaan afar jeer.

Leave a Reply