Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI oo dib u Dhacay

0
316

Hargeysa (Dawan) Guddida qaban qaabada shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa shaaciyay muddo 14 maalmood ah dib loo dhigay shirweynaha Xisbiga.

Shirweynaha oo qabsoomi lahaa 30-31 October 2021 ayaa dib loo dhigay waxaanu qabsoomi doona 15-16 November 2021.

Guddoomiyaha Guddida Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa sheegay in sababaha dib loogu dhigay shirka ay ka mid yihiin wada hadallo socda iyo tabaabushaha shirka oo aan wali dhammaystirmin.

Leave a Reply