Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo Dhagax-dhigay Jaamac Qur’aan, Markis iyo Masaajid

0
629

Qabri-dahar (Dawan) Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa magaalada Qabri-dahar ka dhagax dhigay Masjid iyo Markas loo bixiyay Sheekh Cali Suufi.

Waxa kale oo Sheekhu uu dhagax dhigay jaamacad lagu baran doono Qur’aanka Kariimka ah, taas oo la hirgelin doono isla Qabri’tahar, taas oo dhqqaalaha ku baxaaya ay bixiyeen bulshada ku nool degaankaas.

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa culimada iyo madax dhaqameedka degaanka Qabri’tahar waxay guddoonsiiyeen 100 neef oo geel ah, kaas ay sheegeen in ay Sheekha ugu deeqeen.

Culimada Ansaaru-suna oo uu hoggaaminaayo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay socdaal ku marayeen degaano kala duwan oo ka mida dhulka soomaalida.

Leave a Reply