Hadduu Ogaan Lahaa, Halkan Ma Yimadeen!

0
285

Madaxweynihii Ruushka Joseph Stalin ee horaantii qarnigii 20aad , wuxu dhashay bishii December sanadkii 1878, qoyskooduna wuxu ahaa sabool ka soo jeeda jamhuuriyadda Georgia wuxu caan ku ahaa shuucinimad isla markaana hogaamiye siyaasi oo keligii taliye ah aya taariikhda uu ku galay. Talada hogaanka Sofiyeetka ayuu la wareegay badhtamihii 1920 ka dib markii uu dhintay Madaxweyna lenin oo kacaanka shuuciga ah hogaaminayay. Wuxu ahaa nin aaminsan fikradda mabada’ Marxism-Leninism, inkasta fikrada madax adayga iyo keli talisnimada uu ku hogaaminayay loogu bixiyays Stalinism.. Josph Stalin wuxu ahaa madaxweyinihii ugu dilka badnaa dadkiisa Ruushka

Maalin ayuu usoo galay askarigii ilaaladiisa ahaa (body guard), waxaana uu u sheegay inuu debeda nin tagaani isaga donayo.  Stalin ayaa weydiiyay muxuu iga rabaa ?

Waxaana askarigu ugu jawaabay wuxu yidhi waxaan ogahay mustaqbalka waxa dhacaya oo aan rabo in aan madaxweynaha u sheego waxa soo socda ee dhacaya.

Stalin ayaa askrigii ku yidhi “ Orod bax oo dila ninkaasi, hadduu mustaqablka wax ka ogyahay wuxu sii ogaan laha inaan dilayo iima yimaadeenba , “ . Waxan ka mid ah halku dhigyada uu caanka ku yahay ee uu yidhi “ Geeridu waa xalka mushkulad kasta marka aanu qof jirin mushkuladini ma jirto” . Taasi oo u halhays uga dhigay dilkiisa faraha badan ee uu samayn jiray  .

 

Leave a Reply