Khudaartu Waa Mid Aad Qaali U Ah Sida Dahabka!

0
443

Qiimaha midhaha iyo khudaarta ee dalka Japan waa mid aad qaali u ah. Marka laga hadlayo qiimaha sida dahabka qaaliga u ah waxa ay dadku u arkaan arrin caadi, sababtuna wa iyagoo beeralaydu daryeel aad u badan geliya bixitaanka midhaha.

Sannadkii 2016, dalka Japan , qiimaha khudaarta dalka gudihiisa laga soo saaro ayaa lagu qiyaasay US $ 22.9 bilyan. Marka la barbaro dhigo qiimaha khudaarta laga soo saaray dalka Ingiriiska oo noqday $ 1.89 sanadkii 2017. Waxa muuqanaya farqiga u  dhexeeya iyadoo qiyaastii laba laab ay yihiin UK, beeraleyda Japan waxa ay ku guuleystaan beerashada.

In kasta oo wax  soo saarka beeraha uu ku kooban yahay oo aanu ka badanayn boqolkiiba hal GDP -ga dalka Japan, iyadoo haddana beeraleydu ay bulshada ka yihiin 3.4% , taasi oo muujinaysa dadaalka bulshada beeralayda ah.

Arrinta kale oo ah in maskaxda lagu hayo waa iyadoo dalka  Japan aanay lahayn dhul beereed ballaadhan. Dhulka dalkaasi waxa kaliya ee beerashada ku wanaagsan oo loo isticmaala 12%.  Waxaana inta badan laga beera wax soo saarka dalagyada, oo bariisku ugu horeeyo.

Beeraha Japan aad ayay uga yar yihiin kuwa dalalka kale sababtuna waa dhulka beerashada ku haboon oo aad u kooban. Tirakoobka dowladda ayaa cadeeyay, in celceliska cabbirka beerta Japan uu yahay 1.9 hektar (4.7 acres), marka la barbar dhigo kuwa Maraykanka oo ah 198 hektar (490 acres). Beeraalayda yaryar ee Japnese-ka ah ee khudaarta beerta waxa ay aad ugu dadaalaan beerista khudaarta la jecel yahay sida shamaamka, xabxabka iwm.  Dalka Japan khudaarta waa mid aad qaali u ah sida dahabka.Bulsho kasta oo dadaasha waxa ay gaadhayaan horumar , iyagoo ka qayb qaadanaya kordhka dakhliga guud ee dalka. Dalkeenu waa mid ku wanaagsan beerashada, laakiin bulshada ayaan dadaal weyn gelin sidii ay midhaha uga beeri lahaayeen si ay u badbaadiyaan lacagta adag ee ku baxaysa khudaarta laga keeno dalalka Jaarka ama kuwa dunida.

Leave a Reply