Mushuladda Beentu Horseedo!

0
326

Hogaamiyihii naasiga Jarmalka Adsolf Hitler ayaa la sheegay inuu  aad u aaminsana faalka , waxaan la cadeeyay in ka hor bilaabidii dagaalkii labaad uu Hitler aaminsana inuu dunidan  ka dhisayo boqortoyoo 1000 sano jiri doonta taasi oo faaliyihiisu uga warameen waana sababta uu dagaalka u bilaabay.  Xataa waxa la sheegay in markii ciidankii Ruushka ay ku soo dhowaanayeen Berlin ee ay dadka u cadaatay inuu jabayo Hitler inuu isagu aamisanaa inuu dagaalkan ku guulaysan doono oo ay mudo yar ka dib iman doonaan waxayaabo mucjiso ah oo aan imika dadka u muuqan.

Hitler sanadkii 1909 wuxu xidhiidh la ahaa nin faaliye sixoorle ah oo markii danbe diinta Kiristaank qaatay  oo la odhan jiray  Gorge Levisohn , ninkaasi oo ka sameeyay mad-hab u gaar hareeraha webiga danlop. Wuxu ahaa faaliye, xidigiye iyo sixiroole, sidaasi ayuu Hitler u ahaa mid ku soo koray aaminadda khuraafadka.

Bishii October 1, sanadkii 1933 ayu Hitler dhagax dhigay guriga fanka  ee ku yaalla Magaalada Munikh , waxa majarafadii ka jabtay ninkii injinerka ahaa , markii uu qaadayay ciida dhagax dhigga ah. Hitler ayaa aad u naxay oo ku yidhi wasiirkiisa dagaalka u qaabilsanaa oo la socday “ Waxa laga yaaba inay tilmaamayso inay belaayo dhacayso, waa faal xun oo soo socda”.

Waxaana la sheegay in aan Hitler cabsi ka tegin muddo 3 bilood ah oo ka danbeeyay ilaa uu maalintii danbe dhintay Injineerkii guriga fanka dhisayay ee majarafadu ka jabtay. Maalintaasi ayay Hitler oo naxdintii ka joogstay  oo yidhi “ Belaayadii way tagtay, muu ahayn arinku mid aniga igu dhacaya wuxu ahaa mid ku dhacayay Injineerka “

(Buuga : oddity of history)

Leave a Reply