Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha oo Xilkii la Wareegay

0
428

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa si rasmiya xilkii ugula wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradaas Maxamed Cabdilaahi Siciid.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo hadal ka jeediyay Xilwareejinta ayaa waxa uu sheegay in Agaasimaha Cusub masuul ka yahay shaqada Wasaarada.Waxaana uu yidhi”Waxa aan halkan uga Mahadnaqayaa Agaasihii hore Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ahaa Nin Akhlaaq iyo daganaani ka muuqato lana wada qirayo,Agaasime Cabdirashiid wuu garanayaa meeshii wax laga toosinayay meeshii wax ka qaloocsamayaana wuu garanayaa.boqolkiiba sagaashan shaqada Wasaarada isaga ayaa masuul ka ah anigu boqol kiiba toban ayaan masuul ka ahay Qof Agaasimaha guud dhaafi karaa majiro Wasaarada,”.

Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu uga mahadnaqay Madaxweynaha xilkan uu u magacaabay.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo fursad ii siiyay Madaxda hagaysa Wasaaradan,waxaana aanu ku shaqayn doonaa Siyaasada Madaxweynaha iyo Barnaamijka Xisbiga Kulmiye.waxaana aan fulin doona qorshaha Horumarinta Qaranka waxaana aanu sii wadi doonaa Horumarka Ciyaaraha dalka,”.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Siciid oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu uga mahadnaqay Shaqaalaha Wasaarada sidii ay ula soo shaqeeyeen.Waxaana uu yidhi”Waxa aan leeyahay dhamaantiin waad ku mahadsantihiin sidii fiicnayd ee aynu usoo wada shaqaynay,waana qof iyo Khibrad iyo waayo aragnimo u leh Cabdirashiid Caydiid Ciyaaraha Somaliland,”.

Leave a Reply