Shaqo Kasta Khibradda ayaa ka Muhiimsan Aqoonta!

0
468

Markii ay tuugtu gashay Baanka Koangcho ee China markiiba mid kooxda ka mid ayaa ku dhawaaqay  isagoo u digaya dadkii Baanka ku jiray erayadan: “ Ha is dhaqaajinina, lacagta Dawladda ayaa leh idinkuna naftiina ayaad leedihiin, dhulka wada jiifsada, qofna yaanu kor eegin”,  Gabadh argagaxsan oo shaki badani ka muuqday ayuu ku yidhi: “ Is deji maaha hawlgal kufsi waa mid tuugo ah “.

Markii tuugtu ku noqdeen xaruntoodii ee ay qaateen hantidii Baanka, Kooxda tugta ninkii ugu yaraa oo shahaadada Masterka ah ee dhinaca maamulka khabiir ku ah, ayaa ku yidhi hogaamiyaha kooxda tuugta ah : “ Hogaamiye inoo keen aan lacagtii tirsanee! “.

Hogaamiyaha tuugta ayaa isaguna ugu jawaabay: “ Nacas baad tahay , waxa ay qaadanaysaa tirintu wakhti dheer”,  Mar dhow ayaynu ka maqlaynaa tirade lacagta aan soo boobnay warbaahinta ha degdegin”.

Habeenimadii ayay wakaaladaha wararka oo dhami sheegeen in lacag dhan 100 milyan Bank Koangcho tuugi ka dhacday manta gelinkii hore. Haa, waa sidaa waayo-aragnimadu, , wiilka yar ee aqoonta Masterka haystay waxa ay ahayd markii uu horaysay ee uu ka qaybgalo fal noocaan ah, laakiin hogaamiyaha tuugta oo fasalka 6aad kaga tegay dugsiga ayaa aqoon weyna u yeeshay mudadii uu ku jiray awgeeda sida lagu ogaado tirada hadba lacagta laga dhaco goobaha iyo shakhsiyaadka caanka ah.

Waxase Iyana yaab ku noqotay in lacagta ay iyagu qaateen labanlaabkeed ay warbaahintu sheegtay, iyadoo dheeraadka ay ahayd mid kooxaha Baanku ku kordhiyeen. Hogaamiyaha kooxda ayaa yidhi :” Iyagu qayb ka badan intan qaadanay ayaa heleen, booliis raadinaya ma jiro”. Waa maamulka looga faa’iidaysto qaabka xun.

Leave a Reply