Mushkilad Kasta Xal ayay Leedahay!

0
287

Wakhtiyada qaarkood waxa laga yaabaa adigoo ku sugan goobaha shaqada oo haysta furayaal tiro badan oo isku wada eeg, oo haddana mid kasta uu furo albaab gaar ah in aad doonayso inaad ku furto mid albaabada ka  mid ah.

Waxaana khasab kugu noqonaysa inaad furayaasha isku xidhan mid mid u tijaabiso si aad u hesho furaha albaabka aad joogto. Mararka qaar markaad furayaasha wada baadho kan aad u baahantahay waxa uu noqon karaa kan ugu dambeeya wakhtigaasi oo aad quusba taagnayd.  Arintaas oo kale marna ma la kulantay?

Ujeedadu waa inagu waxaynu isku deynaa, mashaakilkeena oo dhan in aynu muftaax qudha ku tijaabino si aynu markaasi xal u gaadhno. Muftaaxaa qudhihi markuu xalka keeeni waayana waxa inagu kordha murugada, xal kalena ma raadino.

Hadaba maxaa inoo diidaya in aynu kolba fure ku  tijaabino. Waad helaysaa sida aad alaabka furihiisaba u heshay.

Waxa u dhexeeya albaabka iyo mushkilada ayaa waxa uu yahay, albaab kasta muftaax keliya oo u gaar ah ayaa fura, laakiin mushkilad kasta waxa fura mafaatiix aad u tiro badan ee akhriste haday arin kadis ahi kula soo deristo markaaba ha dhakafaarine baadh oo raadi Mutfaaxa iyo furaha gaarka u ah mushkiladaasi.

Leave a Reply