Amal Bank oo Soo Bandhigay Mar labaad Barnaamijka Hodmiye

0
480

Hargaysa (Dawan): Baanka Amal Banka ee gaarka loo leeyahay qaybtiisa Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ku soo bandhigay wejigii labaad ee Barnaamijka Hodmiye ee taageeridda haweenka ganacsatadda ah.

Waxaana mashruuca Hodmiye lagu maalgeliyaa Haweenka haysta ganacsiga yar yar oo lacag lagu siinayay, iyadoo haweenkaasi aanu baanku uga baahnayn in ay soo celiyaan lacagtaasi.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay shaacinta wejiga labaad ee mashruuca Hodmiye waxaa ka soo qayb galay wasiirka horumarinta maalgashiga Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, xubno ka socday ururradda Haweenka ee Now iyo Nagaad.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi goob joog ka ahaa C/fataax Ismaaciil Daahir, oo ah guddoomiyaha Amal Bank qaybta Somaliland iyo qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta sar sare ee shirkadda Amal Bank qaybteedda magaaladda Hargaysa.

Mashruucaasi maalgelinta haweenka ganacsatadda ah ayaa si weyn loogu amaanay Amal Bank, kaasoo aanay ganacsatadaasi haweenka ah kaga doonaynin wax faa’iido ah ama in ay lacag soo celiyaan.

Waxaanu Amal Banka barnaamijka Hodmiye ugu tallo galay in lagu horumariyo haweenka ganacsatadda ah ama leh hal abuur ganacsi.

Kaasoo ah barnaamij lacag kaash ama cadaanka ah loo qaybinayo haweenka, oo ay ku soo shaqaysanayaan, kadibna ay oo celinayaan iyadoo aan wax faa’iido ah la saarin.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Amal Banka qaybta Somaliland C/fataax Ismaaciil Daahir, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ay ku shaacinayeen wejiga labaad ee barnaamijka Hodmiye.

“Hodmiye, waa barnaamij loogu tallo galay in lagu horumariyo, haweenka ganacsatadda ah, ama haweenka leh hami ganacsi, ama hal-abuur ganacsi. Waa barnaamij lagac kasha ah loo qaybinayo dumarka, oo ay ku soo shaqaysanayaan, oo ay soo celinayaan iyagoo aan wax faa’iido ah la saaraynin”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha ee Somaliland C/laahi C/raxmaan Aareeye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Amal Bank ku amaanay barnaamijkani ay ku kobcinayso ganacsiga haweenka.

Waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan taageero buuxda siinayaan mashruuca Hodmiye ee uu Amal Bank ku caawinayso ganacsiga haweenka. Waxaanu yidhi, “Maalgashi la sameeyo, oo ganacsi lagu sameeyo, oo uga dhaw qoyska, oo uga dhaw bulshadda, oo ka saamayn bulshadda, in aanu jirin ayay ila tahay barnaamijkan Hodmiye.

Sidaa awgeed baanu u leenahay, taageerro buuxda, oo xagga dawladda ah ama xukuumada ah, aanu siinaynaa in barnaamijyadda noocaasi ah, ee bulshadda kaabaya, in aanu bogaadino, oo aanu aad u dhiiri gelino”.

Dhinaca kale, Ayaan Cali, oo ka mid ah haweenka qaatay lacagta lagu maalgeliyay ee mashruuca Hodmiye oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa ka warbixisay waxa ay ka faa’iiday mashruucaasi.

“Amal Bank, muxuu kaga duwan yahay ayaa la is waydiinayaa baananka kale? Dad badan oo danyar ah, oo dumar badan ah, oo aniguba aan ka mid ahay ayuu lacag amaahiyay. Lacagtaasi uu amaahiyayna wax allaale iyo wax faa’iido ah oo uu kaga doonayaa, ma jirto” ayay tidhi ayaan Cali.

 

Leave a Reply