Arrin Kasta Bilowgiisa Waa Iska Bedelaa!

0
389

Dhaqankan salaanta ciidanka ee caanka dunida ka ah ayaa soo bilaabmay wakhti fog, waxaana ay sheegeen taariikh yahanadu in salaantaasi ay bilaabantay waayadii dhexe oo ah wakhtigii ugu horeeyay ee la isticmaalo.  Sida lagu qoray buugaagta taariikhda waxa jiray wakhti ay boqortooyadii Roomaanku oo dunida xoog ku lahayd ay la kulantay shirqoolo iyo dilal joogto ah, kuwaasi oo la dili jiray madaxda saraakiisha ciidamada.

Waxaana ay sheegeen inay wakhtigaasi la soo saaray in qof kasta oo u soo dhowaanaya isla markaana doonaya inuu la sheekaysto saraakiisha ciidanka uu gacantiisa midig kor u taago si loo ogoaado in aanu wax hub ah sidan.

 

Muddo ka dibna waxa arinkaasi ku faaftay in dadka safarka ahi ay salaantaasi siiyaan ciidanka ilaalada goobaha ay joogaan si loo arko in aanay sidan wax hub ah ama aanay  uso socon inay dhibaateeyaan ciidanka.

Iyadoo markii laga dhigay caado joogto ah oo ah askartu ay madaxdooda gacanta midig kor ugu qaadaan iyagoo saaraya dhoofarka taasi wakhtigan laga dhigay arrin caado u ah madaxda ciidamda iyo kuwa shicibka ah ee ay salaamayaanba.

Leave a Reply