Deeqsinimadii Rasuulka (scw)

0
440

Markii Rasuulka Allah (scw) iyo saxaabadu ku guulaysteen dagaalkii Xunayn, oo laga furtay gaaladii xoolo badan ayuu Nebigi (scw) qaybiyay xoolahaasi. Rasuulka Allah (scw) ayaa qaybintaasi ugu horeysiiyay dadkii dhawaan soo muslimay kuwaasi oo u hanqal taagayay Qaybinta xoolahaasi qaniimada ah, iyo Odayaashii Quraysh.

Abu Sufyaan wuxu siiyay 100 Neef geel, Markaasi ayuu ku yidhi wiilkayga Yasiidna? Nebiga aya isagana siiyay 100 neef. Markaasi ayuu haddana ku yidhi wiilkaygii Mucaawiye aya hadhay? Rasuulka (scw) ayaa isagana siiyay 100 geel.

Xaakim Binu Xizam ayuu isna uu siiyay 100 Geel ah markaasi ayuu yidhi ii kordhi oo loogu daray 100 kale. Safwan Binu Umaya wuxu siiyay 100 Geel markaasi ayuu yidhi ii kordhi wuxuu  ugu daray 100 boqol iyo 100 kale.

Dadkii dhamaantood wuxuu siiyay 100 Geel , kuwo 50 Geel, kuwo 40 Geel. Ilaa ay dadkii ku dhex faaftay Muxamed wuxu wax u bixiyaa sidii nin aan fakhri ka baqayn.

Qaybintaasi ka dib waxa nebiga (scw) ku soo ururay reer miyi xoolo doon , oo cidhiidhi geliyay oo go’ kala hadhay markaasi ayuu ku yidhi “ Waar go’ayga I siiya walaahi hadaan hayn laha geel leeg geedaha ku yaal dooxada Tamaam waan idiin qaybin lahaa waadna arki lahaydeen in aanan Bakhayl ahayn, Fulay ahayn, oo aanan Beenaale ahayn”.  ( Kitaabka Raxiiq Al-Makhtuum)

Leave a Reply