Sadaqad Lama Bixin Karo!

0
560

Dalka Maraykanka gobolka Florida Nin Oday ah oo 90 jir ah ayaa lagu xukumay 5 bilood oo xadhiga ah iyo inuu bixiyo ganaax dhan 500 dolller, ka dib markii uu cunto siiyay dad masaakiin ah oo aan guryo lahayn.

Odaygan oo lagu magacaabo Arnold Abbott ayay Boliisku xidheen isagoo cunto u qaybinaya dadkaasi masaakiinta ah. Booliiska ayaa sheegay inuu Abbott ka hor yimi sharci Florida ay hore usoo saartay oo ka mamnuucaya in goobaha caamka ah cunto lagu siiyo dadka bahaan.

Boliiska ayaa xidhay Arnold Abbott iyo laba nin oo ku kaalmeeyay qaybinta cuntada dadka aan guryaha lahayn ee masaakinta ah kuwaasi oo iska soo buuxiyay goobaha uu ku qaybiyay.  Odayga Abbott aya mar hore garsoorka iskaga horyimaadeen dood adag ka dib markii uu dad masaakiin ah xeebaha cunto ugu qaybayay. Odaygan ayaa ku tilmaamay sharcigan mid aan naxariis lahayn isagoo yidhi “Waxaanu cunto u qaybinay dad aan guryo lahayn oo seexda goobaha caamka ah, waana hoygoodii halkee ayaanu hadda wax ku siina ee kale?”.

Leave a Reply