Baahin Cusub oo lagu Kordhiyay TV-ga Qaranka

0
793

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay xadhiga ka jartay baahin cusub oo ciyaaraha ah oo lagu soo kordhiyay telefishanka qaranka Somaliland.

 

Munaasibadda oo ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah golaha wasiir, agaasimayaal, shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn waxa goobtaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo agaasimaha telefishanka qaranka Somaliland Cabdirisaaq Cismaan, waxaana ay sheegeen in baahintan ay ka qayb qaadanayso kobcinta ciyaaraha, isla markaana ay kor u qaadayso ayuu yidhi fusadda ciyaartoyada Somaliland ay kusoo bixi karaan mustaqbalka, waxaana ay ugu baaqeen dhallinyarta inay la socdaan isla markaana ay daawadaan ciyaaraha kala duwan ee laga sii dayn doonto baahinta cusub ee lagu kordhiyay talefishanka qaranka Somaliland.

Geesta kale, agaasimaah guud ee wasaaradda dhallinayrada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ku hadlaayay afka wasaaradda dhallinayrada iyo ciyaaraha ee Somaliland ayaa uga mahadceliyay wasaaradda warfaafinta barnaamijkan ay ku baahinayso ciyaaraha, isagoo sheegay in ciyaaruhu ay meel weyn kaga jiraan da’yarta isla markaana ay ku dhiirrigelinayaan wasaaradda warfaafinta inay qaybteeda ka qaadato.

Wasiirrada wasaaradaha isgaadhsiinta, shaqogelinta iyo arrimaha bulshada, maayar ku xigeenka Hargeysa, wasiir ku xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ayaa iyaguna dhankooda ku bogaadiyay baahinta cusub ee LOCALKA ah ee telefishanka qaranka Somaliland, waxaana ay sheegeen in warbaahinta dawladdu ay meel weyn kaga jirto hanuuninta dadweynaha isla markaana ay tahay mar walba in hay’adaha dawladdu ay ka wada shaqeeyaan wixii horumarn ah ee ku aaddan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qaar ka mid ah ciyaartoyada Somaliland oo iyaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay baahintan cusub ee lagu soo kordhiyay talefishanka, iyagoo uga mahadceliyay mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta siday u garab istaageen bahda ciyaaraha ee dalka.

Gebogebadii, waxa shahaado sharafyo la guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland ee ka qayb qaatay sidii loo hirgelin lahaa isla markaana samayn lahaa baahinta cusub ee ciyaaraha ee telifishanka qaranka Somaliland.

 

 

Leave a Reply