Safaarada Jarmalka ee JSL oo Qorshaynaysa Nidaam Lagu Horumarinayo Hargeysa

0
695

Nairobi (Dawan):- Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Jarmalka.ayaa qaaday tallaabooyin ay kaga hawl gashay sidii ay horumarinta Caasimadda Hargeysa ugu soo xidhi lahayd hay’addaha dalka Jarmalka ee dhanka mashaariicda horumarineed ka fuliya Somaliland

Xoghayaha Safaaradda Somaliland ee dalka Jarmalka oo arrintaa ka duulaya ayaa socdaal shaqo ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo uu Nairobi kula kulmay hay’addaha dalka Jarmalka ee Somaliland mashaariicda kala duwan ka wada isla markaana ay ka wada hadleen sidii ay hay’addaha Jarmalka ee dhanka horumarku qayb uga qaadan lahaayeen barnaamijyada horumarinta iyo casriyaynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xoghaye Maxamed Xuseen oo isaga oo ku sugan Nairobi ayaa socdaalkiisa. cidda ku wehelisa iyo ujeedada safarkiisa uga waramay Dawrgeyska Dawan.ayuu yidhi “Safar Shaqo oo aanu ugu baxnay wadanka Kenya ayaa waxaanu kulama gaar gaara la yeelanay Safaarada iyo Hayadaha Jarmalka ee Mashaariica Jarmalku ay ka Fulinayaan Somaliland Hawlahan oo u badnaa Golahan Deegaanka Maroodi jeex sidii ay Mashaariico iyo Taageero uga Heli lahaayeen Dawlada Jarmalka waanay nala qaateen.

Xoghaye Maxamed Xuseen waxa uu intaasi ku dasray “Waxa ay dhawaan u soo dirayaan wafti Caasimada soo indho indheeya Baahiyaha jirana soo arka, waxaa shirarka igala qayb galay Aadan Jaamac Xadi Mideeye oo uu Maayarka Caasimadu CKariin Axmed Mooge u igmaday inuu igala shaqeeyo Mashaariicaha iyo Horumarka Caasimada Diyaar baanu u nahahay Safaarad ahaan inaanu kala shaqayno Gobolada kale ee Somaliland Baahiyaha jira.”

Xoghaye Maxamed Xuseen waxa uu u mahad naqay masuuliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Somaliland ee Kenya, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa Safaarada Somaliland ee Kenya gaar ahaan Safiir ku xigeenka sharma arke oo si Diiran noogu soo dhaweeyay Kenya Safaaraduna aad noogu fududaysay Hawlihii aanu Halkan u nimid”

Leave a Reply