Xafiiska Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Buuhoodle oo Shahaado Sharaf ku maamuusay  Agaasime hore 

0
359

Hargeysa(Dawan):-Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Buuhoodle Maxamuud Xuseen Jibriil Caateeye ayaa Ka marag kacay in Mudadii Koobnayd ee Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Roble Cabdi Muuse uu Joogay Wasaaradda in uu wax badan ka qabtay Gobolka Buuhoodle iyo sidii ay wasaaradiisu u gaadhi lahayd.

Waxaanu xusay inuu Xafiiska wasaaradda Beeraha ka furay Buuhoodle, kaas oo noqday xafiiskii ugu horreeyey ee  wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ka furato Buuhoodle, isla markaana xadhiga laga jaray oo uu shaqeeyo.

Sidoo Kale wuxuu xusay in mudadii uu  Agaasime Rooble wasaarada Joogay inuu 150 beerahay ah oo gobolkaas Buuhodle ah gaadhsiiyay Abuurka wadinaga ah, taas oo ahayd markii ugu  horraysey ee ay wasaarada beeraha Jamhuuriyada Somaliland ay gaadhsiiso Kaalmo Beeralayda Buuhoodle.

Sidoo kale wuxuu xusay isu-duwuhu inuu agaasime Roble ku guulaystay Isku xidhka Wasaaradda Beeraha iyo Gobolka Buuhoodle.

Ugu danbayntii Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee gobolka Buuhoodle Maxamuud Xuseen Jibriil Caateeye, wuxuu caddeeyay inuu Agaasime Rooble  Beeralayda Gobolka Buuhoodle u hayaan xusuus iyo  abaal wayn ugana  mahadcelinayaan  waxyaabihii uu gobolka ka qabtay mudadii uu xilkaas hayay, iyagoo sidoo kalena ka rejaynaya in agaasimaha cusubina dariiqiisii uu raaci doono.

Ugu dambayn isuduwaha wasaaradda horumarinta Beeraha ee gobolka Buuhoodle Maxamuud Xuseen Jibriil Caateeye,ayaa  shahaado sharaf xafiiskiisa Buuhoodle ku maamuusay agaasimihii guud ee hore Rooble Cabdi Muuse oo imika xubin ka ah gudida tacliinta saree e qaranka guddoonsiiyay.

 

Leave a Reply