Baanka Dhexe oo ku Wargeliyey Safirlayaasha Dalka Cusboonaysiinta liisamadooda

0
835

Hargeysa-(Dawan):- Baanka Dhexe ee  Somaliland  ayaa ku wargeliyey sariflayaasha dalka inay cusboonaysiistaan liisankooda isku-bedelka lacagaha, isla markaana uga digay sariflayaasha u hoggaansami waaya in laga hakin doono adeegyada isku-bedelka lacagaha.

Qoraal 16 October, 2021 ka soo baxay Baanka Dhexe, kuna saxeexan yahay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Eng Cali Cabdillahi Daahir, laguna socodsiiyey dhamaan Sariflayaasha dalka ayaa lagu yidhi, “Annagoo fulinayna waajibaadka iyo masuuliyadaha Baanka dhexe, ee diiwaangelinta, nidaaminta, iyo la socoshada dhaqdhaqaaqa maaliyadeed si loo hubiyo bad-qabka iyo xasilloonida suuqyadda dalka, sida ku cad Qod-4aad & Qod 69aad ee xeerka Baanka Dhexe, Xeer Lr.54/2012.

Qoraalka Gudoomiyaha Baanka Dhexe ayaa la raaciyey in lagu wargelinayo dhamaan sariflayaasha ay liisamadooda isku-bedelka lacagahu ka dhaceen ay ku cusboonaysiistaan muddo laba todobaad oo ka bilaabmaysa 17 Oct ilaa 31 October, 2021.

Qoraalka Gudoomiyaha ayaa loogu jeediyey digniin sarifleyaasha ka baaqsada cusboonaysiinta liisamadooda in laga hakin doono adeegyadda isku-bedelka lacagaha.

 

Leave a Reply