Ceerigaabo oo laga Bilaabay in la saaro Qaar ka mida Dadka Gobollada Soomaaliya

0
266

Ceerigaabo (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka bilowday inay ka saaraan dadka ka soo jeeda qaar ka mida gobolada Somaaliya, muwaas oo ay dhamaatay mudadii loo qabtay in ay kaga baxaan magaaladaas.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag gaashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle iyo taliyaha laanta socdaalka ee gobolkaas gaashaanle dhexe Siciid Cige Maxamed ayaa xaqiijiyay in ay magaalada Ceerigaabo ay ka bilaabeen tarxiilka dalkaas hore loo amray inay ka baxaan magaaladaas.

Masuuliyiintaasi waxay bulshada magaalada Ceerigaabo ay u soo jeediyeen in aanay qarin sadkaas, dhammaantoidna saari doono.

Maxamed Khaliif Nuur guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay fulinayaa  amarkii wasiirka arrimaha gudaha ee ahaa in dadkaas la saaro, waxaanuu intaa ju daray in hawl-galkaasi uu si rasmi ah u bilaabmay, lana qadi doono illaa inta dadkaas laga qada saarayo magaalada Ceerigaabo.

Leave a Reply