Militariga Sudan oo xidhay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, kala diray dowladdii rayidka

0
633

Khartoum (Dawan) Jeneraalka ugu sarreeya Sudan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray mas’uuliyiintii hoggaaminayey dowladdii rayidka ee ku-meel gaadhka aheyd, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha dowlad cusub.

Hadalka Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo laga baahiyey taleefishinka ayaa yimid saacado kadib markii ciidamada ay xidheen ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk iyo wasiiro kale.

“Si aan u saxno waddada kacaanka, waxaan ku dhawaaqnay xaalad deg deg ah, waxaan kala dirnay golihii ku-meel gaadhka ee qarannimada, waxaan kala dirnay golihii wasiirada,”Ayuu yidhi.

Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay tan iyo markii talada laga eryay madaxweynihii hore ee dalkaasi Omar Al-Bashir.

Wasaaradda warfaafinta ayaa goor sii horeysay sheegtay in adeegyada internet-ka laga jaray dalka oo dhan, waxaana la xidhay waddooyinka waa weyn iyo buundooyinka isku xidha Khartoum.

Askarta ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda dowladda Sudan oo ku taal magaalada Omdurman ee mataanaha la ah caasimadda, sida ay sheegtay wasaaraddu, iyadoo heeso waddani ah uu TV-gu baahinayay.

Dadku waxay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo taayirrada taagaya oo dhisaya leyliyo jidadka si ay u xidhaan iyagoo ka soo horjeeda tallaabada milateri, sida uu sheegay weriye ka tirsan AFP.

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa sheegay in “Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in militarigu ay taladii kala wareegeen xukuumaddii KMG ahayd.” Waxa uu sheegay in isbadal kasta oo qasab ah oo ka dhan ah xukuumadda KMG ah ay caqabad ku tahay taageerada Mareykanka.

Qaramada Midoobay ayaa iyana ku tilmaamtay xariga mid aan la aqbali karin.

AFP

Leave a Reply