Golaha Guurtida oo warbixn ka dhegaystay xoghayaha guud ee golahaasi.

0
490

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta warbixin ku saabsan soo ururinta nuxurka kalfadhigii 76aad ee ay yeeshaan mudanayaasha golahaasi ka dhegeystay xoghayaha guud ee Golaha Guuritada Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa ku wargeliyay mudanayaasha in soo ururinta nuxurka kalfadhigii 76aad kaddib markay ka doodaan ay u gudbin doonaan siduu sharcigu dhigaayo hay’adaha dawladda ee uu khuseeyo. Kalfadhiga 76aad ee golaha guurtida ee Somaliland ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee uu guud ahaan dalku marayo, ee dhinaycada amniga, doorashooyinka, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha iyo shuruucda dalka.

Geesta kale, Golaha Guurtidu waxa uu ku taageeray xukuumadda Somaliland qorshaha ay dalka kaga saarayso dadka aan sharciga ku joogin gobolka Sool, waxaana uu sheegay in goluhu  xukuumadda Somaliland ay kula socdaan arrintaasi, isla markaana ay barbar taagan yihiin qorshaha lagu xasilinayo ammaanka muwaadiniinta ku nool gobolkaasi

Leave a Reply