Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cisbitaalka Hargeysa International Hospital.

0
516

Hargeysa (Dawan) – Madaxweyne ku xigeenka Jsl mudane Cabdiraxmaan Cabdillaah Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cisbitaalka Hargeysa International Hospital.

Dhagax dhigga dhismaha cisbitaalka Hargeysa International Hospital oo laga binnaynayo xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somalialnd Cabdiraxmaan Cabdillaah Ismaaciil (Saylici), guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, maareeyaha hay’adda duulimaadyada, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo mas’uuliyiinta hay’adda ARC.

Madaxa hay’adda ARC Xuseen Mutawalli iyo maamulaha Hargeysa International Hospital Dr. Yaasiin Darwiish iyo mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in maraaxil kala duwan uu soo maray hirgelinta mashruuca dhismaha ee Hargeysa International Hosptial.

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Siciid Mire Faarax Giirre iyo maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa ayaa dhankooda tilmaamay in muhiimad weyn uu u yeelanayo cisbitaalkani bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxaana ay xuseen inuu wax weyn ka tari doono baahiyaha caafimaadka ee caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland. Wasiirka wasaaradda horomarinta caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in mashruuca lagu dhisayo cisbitaalkan uu noqonayo mid qaranku leeyahay isla markaana uu noqon doono mid ay intifaacsan doonaan bulshada Somalialnd.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaah Ismaaciil (Saylici oo gebo gebadii halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay bulshada Somaliland in mashaariicda qaranka soo galaya laga daayo deegaamaysiga iyo gobollaysiga, isla markaana ay bulshada oo dhami ay u sinnaato waxtarkiisa, waxaana uu ugu baaqay bulshada Somaliland in laga wada shaqeeyo danta guud iyo iskaashiga bulshada.

Saylici isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dalkani waa uu dhismayaa mashaariico fara badan ayaa ku soo socda, horumarkana waa aynu soo wada dhaweynaya.

Waxaadse ogaataan mashruuckasta oo yimaada Qarankan ayuu u yimid ee qolana umuu iman degaana umu iman, iskada wax kale in Hargeysi iskala qaybiso oo degmooyin kala sheegata waa nasiibdaro weyn, maaha in mashruuci meel laga dhiso ciddi gaar u sheegato.

Hay’addaha waxaan leeyahay wiilka reer Somaliland iyo ka reer Hargeysa ahi way u wada siman yihiin mashruuckasta oo la fuliyo meeshi la doono halaga hirgeliye”

Leave a Reply