Horumarku Maaha Hantida Aad Haystao!

0
331

Dalka Japan tirada dadkiisu ayaa kor u dhaaftay 120 malyuun iyadoo baaxadda dhulkiisuna ay ka yar tahay tan dalka Masar. Dalkani malaha khayraad dabiici ah sida batrool, dhuxul dhagax iyo macdanta xadiidka ah. Japan iyadoo aanay khayraadkaasi dabiiciga ah lahayn haddana shacbigiisa kuma jiraan gaajo iyo saboolnimo midkoodna, waana mid ka mid ah saddexda dal ee dunida dhinaca dhaqaalaha hogaamiya. Heerka nolosha dadkiisuna waa mid aad u saraysa..

 

Dalka Japan Waxa kale oo uu dhinaca dhaqaalaha tartan kula jiraa Maraykanka. Japan waxa keliya ee ay ka faa’iidaysataan waa khayraadka muhiimka ee uu haysto oo ah dadkiisa  iyo wakhtiga,  Labadaasi arrimood dhamaan dalalka dunida oo dhami waa ay haystaan. Haddaba Masar oo ka khayraad badan kana dhul balaadhan oo gaasta dabiiciga ah iyo khudaar badan debeda u dhoofisa tiro ahaan ka yar dalka Japan,  aya hadana dadkiisa waxa haysta dhaqaale xumo sababtay saboolnimo iyo fakhri joogto ah.

Horumarku maaha hantida aad haysato laakiin waa sida aad ugu fikirayso khayraadka aad heli karto ka faa’iidaysigiisa.   Kitbaaka. Dr.Mustafe Maxamud

 

Leave a Reply