Hurdada Iyo Horumarka Bulshada!

0
697

Inkast oo dad badani aaminsan yihiin in hurdo ku filan oo gaadhaysa 8 saacadood uu qofku seexdo  24kii saacadood, taasi oo ka dhigan in cimrigiisa marka 3 meelood laga dhigo ay meel ka mid ahi noqonayso hurdo.

Arinkaasi waxa ka soo horjeeda dad badan oo taariikhda caan ka noqday, iyagoo aaminsan in hurdada badani ay tahay wakhti lumis iyo mid horumarka qofka burburinaysa.Ninka lagu magacaabo Mr.Leonardo di Ser Piero  oo Talyaaniga u dhashay waxa uu  ahaa hal abuur, farshaxan, Injineer dhismaha ah, Saynisyahan Figiska iyo Bayloojiga, Xisaabta, Taariikhda iyo macdanta.  Waxaana sawiradiisa maanta lagu kala iibsadaa boqolaal milyan. oo doler, waxaa uu caan ka noqday dunida sababtuna waa aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ee uu dadaalka ku kasbaday.

Mr.Leonardo ayaa hurdadiisa u sameeyay nidaam isaga u gaar kaasi oo ah in  4- tii saacadoodba 20-daqiiqo uu ka seexdo.

Thomas Edison oo Maraykan aha isla markaana ahaa ninkii curiyay laambada korontada ee manta caalamku iftiinsado waxa uu u arki jiray hurdada wakhti lumis waxaana uu seexan jiray 3 saacadood oo keliya oo weliba ugu qaybsanaa lix wakhti. Waxaana uu afartii saacadoodba seexan jiray 30 daqiiqo.

Margaret Thatcher oo ra’iisal wasaare ka noqotay Ingiriiska saddex wakhti oo isku xigana waxa la sheegay inay seexan jirtay 4 saacadood keliya. Gabadhan oo lagu magacaabi jiray “marwadii birta ahayd” waxa ay kor u qaaday dhaqaalaha Ingiriiska mudadii ay talada haysay.  Huradada badani waxa ay qofka ka lumisa wakhti muhiim ah u shaqaysan lahaa adduun iyo Aakhriba. Islaamkuna hurdo kooban oo la seexdo waa uu dhiirigeliyay isagoo Tilmaaha dadka Janada gelayana uu Quraanka kariimka ahi cadeeyay inay ahaayeen kuwo habeenka wax yar ka seexda. Iyo weliba in dadka oo hurda camalka aad qabato uu yahay kuwa ugu khayrka badan.

 

Leave a Reply