Dagaaladii Kibirka Iyo Islaweynida!

0
623

Bishii June 28, sanadkii 1914 ayuu bilaabmay dagaalkii kowad ee dunida waxaana sabab u ah markii la dilay boqorkii Archduke  Franz Ferdunand oo u talin jiray dalkii wakhtigaasi loo yaqaanay Austeria-hungry oo ku yaalla badhtamaha Yurub.

Boqorka iyo gabadhiisu waxay booqasho ku marayeen magaalada Sarayeefo oo dalka Sayberia wakhtigaasi ka tirsnayd dhulweynaha Serbiya. Waxaana bastoolada ku toogtay isaga iyo gabadhiisa nin lagu magacabo Mr. Beidro oo hore loogu diiday in ciidanka la qoro sababtuna ay ahayd isagoo ahaa nin gaaban.

Ninkaasi oo maakhayad fadhiya isla markaana aad cuqdad uga qaaday sida abuurkiisa loogu diiday in shaqo uu jecel yahay la siiyo ayaa Markii Boqora iyo gabadhiisu gaadhigooda suuqa ku marayeen bastoolada ku dhuftay.

Dalka Austeria-hungry ayaa isna weerar ku qaaday Serbiya isagoo ka cadhaysan boqorklooda la dilay, kaasi oo ah bilowgii dagaalka, intaasi wixii ka danbeeyay dalalka Yurub ayaa midh midh ugu soo biiray dagaalka.

Dagaalkan waxa ku dhintay dad gaadhaya 17 milyan oo 7 milyan ay ciidan ahaayeen halka inta kalen aya ahayd shicib. Cadhadii waad gaaban tahay lagu yidhi ayaa keentay dagaalka.

Leave a Reply