Dhaqanka iyo Suugaanta

0
1071

Diyaariye. Saleeban Kalshaale

Ceebtaada Qiro..Maxamed Cali Diiriye

 

Maansada Ceebtaada Qiro waxa curiyey Abwaan Maxamed Cali Diiriye oo kamida Hal-abuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kaga maansooday horumarka Dawladnimo, dhismaha Qaranka dhidibo adag ku taagan iyo nabad-gelyada dalkeenu ku naaloonayo, isagoo dhinaca kalena tilmaan iyo tusaale kaga bixinaya xaqiiqada iyo xaalada qalafsan ee ku gedaaman dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya oo uu tixda dhexdeeda ku sheegayo in iyagoo toodii u taag la’ ay hagar-daamo iyo qujo-qujayn ku hayaan Somaliland.

Tixdan oo ah maanso aad xambaarsan qisooyin iyo hoga-tusaaleyaal badan, ayaanu qormadeena maanta ee Dhaqanka iyo Suugaanta idiinku soo gudbin doonaa qaybteeda koowaad, iyadoo haddii alle yidhaah cadadka dambena aanu qaybta labaad idiinku soo gudbin doono.

Waxaanu Maansada ku bilaabay sidan:

Somaliland waa qaran

Calan baw qotoma

Qaadirkii alliyo

Rasuul lagu qoroo

wixii qoonsiyaba

Qaynuun jiriyo

Dastuur qoran ayaa

lagu kala qancaa.

Qaydbaa dhex yaal

Nabad-baa qaxwiyo

quudba lagu cunaa

Qarni laba kunaanu

Qaaradaha dhexnaal.

Qool Gahaydhle doog

Qoyanihii ku yaal

talo qiimo iyo

Qaayo lagu daroo

Qumanbaa wadoo

Qorshaha u degt=oo

Qasti loo dhanyiyo

Qiyaas wada jirtaa

qaban qaabiyoo

ku xariiqay qalin.

Waa qiil shacbigu

Qoondaystayoo

Banbo qaraxda iyo

Qori lama sitee

Qof waliba danbuu

Qabsadaa dhib li’i.

Qaaradaha dunida

qayrkood wuxuu

qabsaday arkeen

Tan (Somaliland) qurbaa u go’doo

Dhiigbaa u qubtoo

Qosol laguma helin.

Qaybku waa Alloo

Qadaa qurus risiqu

Qaadir uu baxshoo

Qoro uu ogyee

Fulaa qoor dhigtee

Geesi quudhsi diid

Qatanbaa ka wacan.

Sharafbaa qofnimo

Quman lagu noqdaa

Duday qiilka madhan

Qoondada madow

Quruxbaan ka biday.

Soomaali quban

oo Qaran heshaa

Waatii waa Qac yidhi

iyo Qorax iftoo

Waan qaboobi laa

Qorfa dhiilaliyo

Qalwuu Yuururaa

Aanu qaar sariyo

Qoorta kala baxayn.

Siyaasadda qariban

ee qaawanta ah

qardoof keenigii

qarka shishe xigayna

Ina Cumar qabsayo

Ila qaad xumaa.

Quwadii kalena

Qarnigaa Afrika

iyadaa qasnoo

Qabso Doorashoo

Qanacbay ku tidhi.

Mase qaadanine

qumanuhu wuxuu

quudayaa haddana

mar kaluu qabtee

Maskax quudhi waa

haku quusatee

diirka uga qaad.

Inaan qor ugu hadhin

qaadan maayo talo

Qaladkaa u saxoo

Qurjad meel ku maqan

Qur’aan lagu akhriyey

qalbi uma lahee

Qaafilbay ku tahay.

qab qab dhaafaybaa

Qaran lagu tebaa

Qaaradaha dunida

Waxa qoran inuu

Dawlad quus ka yahay

qarbiguna nacoo

qab xumada wuxuu

Quudaa ruushka iyo

Jayne yaalla qoor.

Hooyada qaxdee

laga qaatay wiil

Qooriga Xabuush

Qudhu kaga go’deen

wali quusasanina

Quruuruxa ka badan

waana qoon bugto ah

Iyo qaan ku maqan.

Dadku maaha qoran

Qulux laga dhigtee

Waa adoon qofoo

Loox Maxfuud ku qoran

Nin Qayuur ahbaa

Qabyadiisa dhiman

ee Qolqolkiisa taal

qabsadoo gutee

qayrkaa wuxuu qabsaday

qabo baa la yidhi.

 

Leave a Reply