Qisada : Maalqabeen Darxumo Iyo Gaajo U Dhintay!

0
537

Qaybta 2aad

 

Laba toddobaad ka dib  sanadkii 2018kii, bishii May 15dii  ,iyadoo 54 sano jirtay. Waxa maydkeeda laga helay gaadhiga duugga ah ee hoyga u ahaa. Booliiska ayaa goobta yimi , waxaana ay fureen albaabka hoygeeda ee gaadhiga duugga ah, markiiba waxa ku dhacay naxdin iyo yaab, arrinka ay ku arkeen gudaha hoyga islaanta miskiinadda ah ee Faadumo.

Waxa ay ahayd mayd, waxase dhinac teedsanaa kiishash waaweyn oo ay ka buuxaan lacagtii ay kaydisay ee xad dhaafka ahayd. Muddo kooban ciidanka booliiska isma ay dhaqaajin, yaab iyo naxdin awgeed, waxaana ay ku barafoobeen goobtii ay taagnaayeen.

Waxa dhab ah in aanay weligood arag hanti sidan kiishash uga buuxda oo dhex taalla goob aan ku haboonayn.

Maxay la yaabeen ?! , waxa ay ku arkeen gudaha gaadhigii duuga ah ee aan shaqayn, ee qofna aanu u malayn Karin inay hanti xad dhaaf ahi ku kaydsan tahay hanti aan xad lahayn.

Lacagta kiishashka ku jirtay ayaa dhamayd 5 milyan oo lacagta Labnaan ah, waxa kale oo dhinaceeda yaaallay buugaagta ay baanka ku dhigan jirtay lacagta ay dawarsato kuwaasi oo ay ku qoraayeen hal bilyan iyo 7 boqol oo milyan oo lacagta dalkaasi ah.. Guud ahaan hantida islaantu ay darxumada uga dhimatay ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan hal milyan oo dollerka Maraykanka ah.

Booliisku waxa ay dareemeen inay hor taagan yihiin maydka Gabadh milyaneer ah , laakiin ku noolayd goob aan u qalmin nolosheeda.

Waxaana ciidanku ay ku dadaaleen inay helaan qaraabada islaanta hantiilaha ah ee dhimatay, iyagoo ogaaday in qoyskeedu degan yahay magaalada Caynu- Dahab, halkaasi oo xidhiidh kula sameeyeen.

Qoyskeedu waxa ay ahaayeen sabool, ka kooban Hooyadeed, shan hablood iyo laba wiil oo ay walaalo ahaayeen oo dhamaantood xaasas ah, laakiin baahidu ka muuqato oo wax hanti ah aan haysan.

Markii booliisku uga waramay geerida gabadhooda iyo hantida ay ka tagtay waxa ay aad uga xumaadeen geerida ugu timi cidlada, waxase ay la yaabeen hantida ay ka tagtay ee xad dhaafka ah

 

Qoysku waxa ay rumaysan kari waayeen oo ku adkaatay lacagta xadiga leh inay iyadu lahayd oo ay sidaasi u ahayd maalqabeen, iyadoo haddana uga caban jirtay saboolnimo xad dhaaf ah inay hayso.

Walaalkeed Khalid ayaa yidhi : “ waan dareemaynay in ay lacag haysato taasi oo ay ka heshay shaqada dawarada, laakiin ma aanan filayn in ay xadiga intaasi leeg gaadhayso”.

Arrinka Islaanta Fadumo ee dawarada maalqabeenka ka noqotay waxa uu wakhtigaasi noqoday Bambo ku dhex qaraxday Labanaan iyadoo meel kasta laga hadal hayay.

Muwaadiniinta ayaa rumaysan waayay in islaantii baahiyaha gaarka qabtay ee ay sadaqada siin jireen aad ugu naxariisan jireen inay ahayd maalqabeen haysta hanti lacageed oo aanay iyagu xataa haysan.

Qoyskeeda ayaa qabsaday garyaqaan si uu u dhamaystiro hab raacayada sharci ee lagama maarmaanka u ah si loogu wareejiyo hantidaasi ballaadhan ee ay ka dhimtay gabadhooda dawarsan jirtay ee Faadumo.

Faadumo waxa ay ku dhamaysatay nolosheeda dawarsi iyo nolol aad u adag iyo darxumo, hantidii ay ka heshayna waa ay ka dhimatay, waxaana si dhib yar u dhaxlay walaalaheed oo aan haba yaraatee u marin wax dhibaato ah.

Waxa ay ku jirtay nolol murugo leh oo gaajo badan, waxaana ay dhimatay iyadoo maalqabeenada ka mid ah.

Markii ay dhimatay ee ay caan ka noqotay bulshada oo warbaahinta kala duwan lagu soo bandhigay, waxa la dalacsiiyay Askari ka tirsan ciidanka dalkaasi ka dib markii uu islaanta muddo 8 bilood ka hor dhimashadeeda uu waraabiyay biyo iyadoo fadhida dariiqa ay ka dawarsan jirtay. Waxa uu ahaa askari naxariis badan oo dadka saboolka ah iyo kuwa dawarsada caawin jiray, iyadoo taasina ay ahayd dareenkiisa  naxariista leh ee dhabta ah. Sawirka  waxa ka qaaday qof wadad marayay isagoon arkayn kaasi oo wakhti hore ku soo bandhigay baraha bulshada.

Inta badan dadka dawarsada lacagta waa ay ka kaydiyaan, laakiin ugu danbaysta waxa ay ka dhintaan iyagoon ka helin nolol raaxo leh.   Al-carabiya.com  ( Turjumadda Haybe)

 

 

Leave a Reply