Booliska Minneapolis oo ka badbaaday afti lagu kala diri lahaa

0
527

Minneapolis (Dawan)- Dadweynaha magaalada Minneapolis ayaa codbixintii Salaada  u codeeyay in waaxda Booliiska ee Minneapolis (MPD) aan la kala dirin, waxa ay meesha ka saareen aragtidii ahayd in Waaxda MPD lagu badalo waax loogu yeedhay “Waaxda Amniga Dadweynaha” (Derpartment of Public Safety).

Ololaha ka dhanka ah booliiska ayaa soo billowday kadib dilkii George Floyd oo ahaa nin madoow oo uu dilay askari ka tirsanaa ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis.

Natiijada doorashada ee garabka siisay sii jiritaanka Booliiska Minneapolis, ayaa dadku waxa ay is waydiinayaan waxa ay ka badelayso aminga magaalada oo beryihii danbe aad u soo xumanaayay.

Leave a Reply