Fadhigii 82-aad ee Golaha Wasiirradda Somaliland oo lagaga Hadlay Xoojinta Amniga Dalka

0
330

Hargeysa (Dawan) Fadhigii 82-aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland ee maanta ayaa lagu gorfeeyay xoojinta arrimaha nabadgelyada ee dalka.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa war-biximo lagaga dhagaystay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaana goluhu ka wada hadlay arrimaha xoojinta amniga Dalka oo goluhu dood dheer ka yeeshay.

Sidoo kale goluhu waxa uu lafo-guray dardar-gelinta siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Leave a Reply