Jabuuti iyo Itoobiya oo Bogaadiyey Amaanka JSL

0
282

Qore: Walaaleeye

Hargeysa (Dawan)- Taliyeyaasha Ciidamadda Booliiska waddamada Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka qebygalay munaasibadii 28aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska JSL ayaa bogaadiyey ammaanka Jamhuuriyadda Somaliand iyo wada shaqeynta u dhexeysa, isla markaana ballanqaaday inay sii waddi doonaan wada shaqeynta u dhexeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xasan ayaa ballanqaaday inay sii balaadhin doonaan wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliiska JSL mar uu hadal ka jeediyey shalay munaasibada sannadguuradda 28aad ee Ciidanka Booliiska JSL oo u ka soo qeybgalay, isagoo bogaadiyey horumarka ay gaadheen.

Taliyaha DDSI S/Guuto Maxamed oo munaasibada hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in ciidanka booliisku dal kastoo uu joogo shaqooyinkoodu isku mid yihiin, waxaanu raaciyey in Itoobiya, DDSI iyo Jamhuuriyadda Somaliland ciidankooda booliisku wada shaqeyn wanaagsan u dhexeyso, isla markaana wada ilaaliyaan xuduud dheer oo u dhexeeya bedqabka dadka iyo maalkooda.

Waxuu Ilaahay ka baryey inuu nabadgelyada iyo wanaaga ay haystaan labada dawladood ugu sii wado, waxaanu ballanqaaday in wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliiska JSL sii xoojiyaan, isagoo ka soo qeybgalkiisa munaasibada 28aad ee sannadguuradda Ciidanka Booliiska JSL ku tilmaamay inay ka dambayso wada shaqeynta wanaagsan ee labada ciidan iyo labada taliye u dhexeysa.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska dalka Jabuuti Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Faarax oo hadal ka jeediyey munaaisbadii sannadguuradda 28aad ee ciidanka Booliiska JSL ayaa u duceeyey ciidanka booliiska ku geeryooday iyagoo waajibaadkooda gudanayey, kuwa ku dhaawacmayna Ilaahay uga baryey inuu caafimaad siiyo.

TaliyahaBooliiska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi ayaa sheegay in ciidamada booliisku shaqo adag ummada u hayaan oo ah ilaalinta amaanka, waxaanu u rajeeyey in Ilaahay u fududeeyo.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska DDSI iyo Jabuuti ayaa noqonaysa markii koowaad ee ay ka soo qeybgalaan munaasibadda Ciidanka Booliiska JSL, isla markaana ku timi wada shaqeynta dhow ee ay la leeyahiin dhigooda JSL S/Guuto Maxamed Adan Saqadhi.

Leave a Reply