Taliyaha Booliiska oo Bayaamiyey Tiirarka Qorshe-hawleedka ay ku Shaqeyn Doonaan Shanta Sano

0
677

Hargeysa (Dawan- Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sarreeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen ciidan dhalinyaro ah oo saraakiil, baadhayaal iyo ciidan caadiga aan balwad lahayn oo kor u qaadi doonan horumarinta iyo hagitaanka waajibaadka ciidanka booliiska u xilsaaran yahay, taasoo inbadan xilligan ka hawlgaleen dhamaan gobolada dalka, kuwo kalena tababaro u socdaan

Taliye Maxamed oo hadal ka jeedinayey munaasibadda Sannadguuradda 28aad ee Ciidanka Booliiska JSL ee shalay ayaa bogaadiyey ka soo qeybgalkooda Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adan Xaaji Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyeyaasha Xisbiyaha Mucaaradka Md Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal C. Waraabe, Gud-xigeenka Baarlamaanka Somaliland, Taliyeyaasha Ciidamada JSL, Taliyeyaasha Ciidamadda Booliiska Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, dublamaasiyiinta safaaradaha dalka jooga, wakiilada hay’adaha la shaqeeya ciidanka booliiska iyo dhamaan marti-sharafta kala duwan ee ka qeybgalay.

Taliye Maxamed oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda ka hadlayey waxyaalahii sannadkii la soo dhaafay ee 2020 ciidanka booliisku qabteen iyo qorshayaasha u diyaarsan mustaqbalka dhow ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshaha waxqabadka ciidanka booliiska ee shanta sannadood oo todoba tiir oo waaweyn ka koobnaa

  • Kor-u-qaadida kalsoonida bulshada & is-aaminka Ciidanka Booliiska
  • Abuuritaanka cudud ciidan booliis iyo xulitaanka dadkii ku haboonaa oo la dhiso
  • Xoojinta wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo hay’adaha kale ee dawladda
  • In dhamaan shaqooyinka ciidanka booliisku fulinayo mid dhow iyo mid dheer lagu salleeyo qorshe
  • Horumarinta daryeelka caafimaadka ciidanka booliiska
  • Adkaynta iyo kor-u-qaadida waajibaadka xil-gudashada ciidanka booliiska.

Taliye Maxamed oo faahfaahin kkooban ka bixinayey waxa ay ka qabteen tiirka koowaad ayaa sheegay in si loo dhiso kalsoonida shacabka iyo ciidanka booliiska oo aasaaska koowaad ah la’aanteedna ciidanku waxba qaban Karin, waxaanu samaynay booliiska bulshada (Community Policing) dedaal badan la geliyey. Waxaan qabanay tababaro ay hormood noogu tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo bulshada xaafada degan iyo saldhiga booliiska loo qabto, si qof walba u aamino saldhiga xaafada, isagoo raaciyey in qeybaha bulshada ee xaafada degan ka sokow, ay la kaashadeen Salaadiin iyo Waxgarad kheyr qaba oo Wasaaradda Arrimaha Gudahu sii dhiirigelisay oo isku xidha xaafada iyo ciidanka booliiska, dedaalada oo abuuray kalsooni weyn oo ciidanka booliiska iyo bulshada dhexmarta.

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay inay abuureen Madaxda Baadhista iyo Kantaroolka dembiyada soo gala saldhigyada dalka oo loo magacaabay sarkaal G/Sare ah oo aqoon dheer leh, isla markaana kantaroola dembiayada saldhigyada booliiska soo gala, usbuuc walba laba jeer oo hubiya maxbuus walba dembiga uu ku xidhan yahay, inuu habsan jiro, isla markaana kantaroola in kiiska maxbuus walba hanaan cadaalad ah u socdo, taana hirgelinteeda waa lagu guulaystay, taasoo keenaysa in eedaysanaha iyo dhibanaha marka kiiskooda si fiican loo baadho abuuraysa in kalsoonidii bulshadu ku qabtay ciidanka booliiska sare u kacdo.

Waxa la magacaabay sarkaal sare oo u xilsaaran ilaalinta diinta, dhaqanka iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan ee Ciidanka Booliiska oo ka wacyigeliya waxyaalaha diintu mamnuucday, isla markaana waxa la kordhiyey in wacyigelin balaadhan oo ciidanka booliiska lagu siinayo  dhinaca diinta, iyo sidii ay u wanaajin lahaayeen hab-dhaqankooda maxaabiista, waana qorshe lagu guulasytay hirgelintiisa.

Taliyaha Booliiska S/Guuto Maxamed ayaa sheegay in Qaadka ay ka mamnuuceen Ciidanka Booliiska waxaanu yidhi, “Md Madaxweyne Qaadka waanu ka mamnuucnay ciidanka markuu direyska xidhan yahay inuu laalaadsado, hadii lagu arkana dembi ayuu galay, markuu shaqada saldhiga ku jiro-na waa laga mamnuucay cunitaanka qaadka, markuu gaadhiga Booliiska wado-na waa mamnuuc inuu qaad cuno, taasoo keentay markii akhlaaqdii ciidanka booliisku wanaagsanaatay, ay bulshadii isku sii dhowaadeen.

Waxuu sheegay in baraha bulshada ciidanku ka samaysteen Faceboog, xafidan oo gaar u ah, isla markaana fariimaha bulshadu u soo marto, oo kordhiyey iskaashiga ciidanka booliiska iyo bulshada, isagoo yidhi “Md Madaxweyne qorshayaasha kala duwan ee ciidanka booliisku sameeyey waxay keentay inay isku soo dhowaadaan bulshada, kalsoonidii u dhexeysayna kobocdo, waxaanay keentay inkastoo waxbadan noo hadhsan yihiin inay yaraadaan dembiyadii kooxaysiga dhalinyarada dagaalami jiray saacad walba, waxa hoos u dhacay budhacdii iyo tuugadii dadka moobilada iyo hantidooda baadhan jiray, isagoo raaciyey inay si adag ula dagaalameen mukhaadaraadkii, isla markaana fadliga Ilaahay ka sokow hoos u dhaceen ka dib markii ciidanka booliiska iyo bulshadu isku soo dhowaadeen ee ay is-aamineen.

Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL S/Guuto Maxamed oo ka hadlayey waxa uga qabsoomay tiirka labaad ayaa sheegay inay u hawlgaleen dhisitaanka cudud ciidan oo aqoon iyo tababar leh oo dhinaca imkaaniyaadka shaqada ay ku qabanayaan dhismeyaal, gaadiid iyo isgaadhsiin loo diyaariyey, taasoo sannadkii 2020 dhalinyaradii Shaqo Qaran ciidanka booliisku ka qaateen dhalinyaro, tababaro dambe oo booliiska la siiyey, loona qeybiyey dhamaan saldhigyada ciidanka ee dalka, waxaan kaloo tababarnay 6 boqol ciidan aan balwad lahayn oo ciidanka birmadka oo hore Hargeysa keliya xarun ku lahaa, la kala geeyey dhamaan lixda gobol ee dalka, xarumahoodiina qaar la dhamaystiray, kuwo kalena qorshaha ku jiraan in laga wada dhiso. Waxa kaloo nidaamka baadhsita loo tababaray 75 sarkaal-xigeen si ciidanku madax, ciidan akhlaaq leh, isla markaana dhinaca baadhista iyo cadaaladda uga dhismo. Waxuu sheegay inay 194 sarkaal ciidanka booliisku ku jiraan kuliyadda saraakiisha Mandheera, waana dhalinyarada aanu doonayno inay mustaqbalka ciidanka booliiska hogaamiyaan. Waxaanu tababarnay todoba boqol iyo dheeraad dhalinyaro aan balwad lahayn oo sannadkan Mandheera ka soo baxay, oo qeybaha iyo saldhigyada lagu xoojiyey, wakhtigan 67 baadheyaal ayaa tababar u socdaa. Waxaanu ciidanka booliiska ka horumarinay dhinacii saraakiisha, baadhista iyo askarta ee dhalinyarada.

Dhinaca imkaaniyaadka ciidanka booliisku ku shaqeeyo isagoo ka hadlaya ayuu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliisku S/Guuto Maxamed inay dhiseen isla amrkaana kor u qaadeen dhinaca isgaadhsiinta taasoo lixda gobol loo keenay qalabka baahiya isgaadhsiinta (Walk talkie) oo boqol watt ah, qalab lagu xidhay gawaadhida qabaalada booliiska, sidoo kala telefoonada gudaha oo dhamaan gobolada dalka lagu wada xidhay oo sahlaya inay wada xidhiidhaan ayaan keenay, oo wada shaqeyntii iyo isku xidhnaanshahii ciidanka booliiska wad badan kordhisay.

Dhinaca dhismayaasha ciidanka booliiska ayuu sheegay Taliyaha Booliisku inay kordhiyeen, isla markaana ka mid yihiin saddex hooso oo hargeysa laga dhisay, maadama gaadiidka ciidanku kordheen, xarunta CID-da afar dhisme oo mid fooq yahay ayaa lagu kordhiyey loogu talogalay dumarka dembiyada argagaxisada, xarunta ciidanka taraafiiga dhisme hool la qalabeeyey ayaa laga sameeyey, waxaanan qorsheynaynaa inaan mustaqbalka dhow annagoo la kaashanayna Maayirada dalka wadooyinka gaboobay iyo gaadiidka fara badan kamaradaha wadooyinka lagu xidho si loo kantaroolo xawaaraha gaadiidka dalka. Dhismayaal kala duwan iyo saddex masaajid ayaa lagu kordhiyey saldhigyada ciidanka gobolka Saaxil, gobolka Sool xarun weyn oo ciidanka RRU-da ayaa laga sameeyey, Qeybta Sool iyo saldhigyada dayactir iyo qalabayn ayaa lagu sameeyey. Gobolka Sanaag xero weyn oo qalabaysan ciidan ayaa laga dhisay, saldhiga Ceerigaabo dayactir iyo hoolal badan ayaa lagu kordhiyey, Degmada Fiqi-fuliye saldhig cusub ayaa laga dhisay. Gobolka Awdal degmada Garbo-dadar saldhig weyn ayaa laga dhisay, Degmada Lughaye Saldhiga dib ayaa loo dhisay.

Waxuu sheegay in sannadkan iyo sannadkii hore gaadiid gaadhaya 105 gaadhi ciidanka booliiska loo iibiyey oo cashuurta muwaadiniinta Wasaaradda Maaliyadu ka iibisay, marka laga reebo sagaal gaadhi oo hay’adda UNDP ku caawisay. Waxa kaloo dayactir lagu sameeyey 230 gaadiid ciidanka booliiska hore u lahaa.

Mar uu ka hadlayey Taliyaha Booliiska wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo hay’adaha dawlada u dhexeysa ayuu sheegay in Ciidamada Qaranka mataano yihiin tababarada wada galaan, hawlgallo wadajir ah ayaa wada samaynaa, hay’ado kale iyo wasaarado wada shaqeyn dhow ciidanka booliisku la wadaago ayaa jira, sida Wasaaradda Cadaaladda, Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, sidoo kale Wasaaradaha Maaliyadda, Gaadiidka, Ciyaaraha, Waxbarashada, Deegaanka, Dawladaha hoose iyo dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka.

Taliyaha Booliiska S/Guuto Maxamed oo ka hadlayey wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliiska Wadamadda Jaararka sida Jabuuti & Itoobiya, Dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay wanaagsan yihiin, taasoo muujinaysa sida Taliyeyaashoodu uga soo qeybgaleen munaasibaddan, taasoo amaanku guud ee mandqada ka wada shaqeyno iyo sidoo kale dembiyada xuduudaha ka gudba, argagxisada, tahriibka dadka, lacagaha la maydho (money laundering), mukhaadaraadka, xogaha ayaan wadaagnaa, sidoo kale tababarada ayaan wada qaadanaa.

Dhinaca daryeelka caafimaadka ciidanka booliiska ayuu sheegay Taliye Maxamed in waxbadan laga qabtay sannadkan iyo kii dhamaaday, taasoo baadhitaan caafimaad loo sameeyey kun iyo saddex boqol ciidan, halka tiro gaadhaysa afar boqol qaliinno jajab loo sameeyey, 70 askari qaliin indhaha ayaa loo sameeyey, halka 35 askari ayaa caafimaad dibedda loogu diray oo Madaxweynaha JSL ganac naga siiyey.

Dhinaca cuntada iyo isku filaanshaheeda ayuu sheegay Taliyaha Booliisku in beerta Wajaale saacado gaadhaya kun iyo shan boqol la beeray, saddex cagaf oo ciidanku ka iibsaday cuntada uu beerto ayaa la iibiyey, dalagyo kala duwan oo cuntooyin sida hadhuudh, garow, harakoo, basal ayaa la beeray, sannadkan raashin badan ayaa laga filayaa sida 2 kun kiish garow ah, 1,500 kiisha arabakhi ah, basal, digir.

Waxa lagu soo kordhiyey ciidanka booliiska unugyo ku qalabaysan gamaanka Fardaha, si ay qeyn uga qaataan Quruxda Qaranka iyo ciidanka booliiska, ilaalinta amaankana qeyb uga qaatan sida surimada gaadiidku aanay marayn, soddon ka mid ah tababaradii waa loo dhameeyey.

Mar uu ka hadlayey horumarinta dhinaca caafimaadka ciidanka waxuu sheegay in la bedelay raashinkii ciidanku qaadan jiray, iyagoo la kaashaday hay’adda qandaraasyadda, waxaanan ugu bedelnay raashin cusub daqiiq, bariis, iwm, hawlaha dib-u-habaynta dhinac walba markii ciidanka booliiska lagu sameeyey waxa soo baxay isbedelo ugu horeyso in ciidanka booliisku kordhiyey gudashada waajibaadkii uu Qaranka u hayey, xoojinta nabadgelyadda iyo ka hortaga dembiyada mukhaadaraaka ayaa la xoojiyey, ilaalinta shuruucda iyo ka hortaga kootarabaanka iyo ilaalinta cashuuraha ayuu xoojiyey, taasoo uu gaadhitaankeeda u nisbeeyey, Ilaahay SW fadligiisa awgeed, taageerada joogtada ee Madaxweynaha JSL la garab-taagan yahay iyo sida madaxda Ciidanku u diyaarsadeen qorshe bayaaminaya, halka ay taagan yihiin, halka loo socdo iyo hanaankii loo gaadhi lahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Maxamed oo tafaasiil ka bixinayey qorshayaashooda mustqablka dhow ayaa sheegay inay ugu horeyso sii xoojinta hanaanka iskaashiga ciidanka booliiska iyo bulshada (Community Policing), si kalsoonida booliiska iyo bulshadu boqol-kiiba boqol 100% noqdaan, taaso sahlaysa gudashada waajibaadka ciidanka, dhamaan dembiayda kala duwana hoos u dhigaysa. Waxa noo qorsheysan maadama iskaashiga booliiska ee wadamadda jaararka aanu dhisnay inaan Booliiska Aduunka (Inter-bol) wada shaqeyn dhow yeelanno, si aan dunuubta qaaradaha isaga gudba iskaashi uga yeelanno. Dhisitaanka cusbitaal weyn ayaa noo qorsheysan iyo xarun miiska saraakiisha ciidanka booliiska, keenitaanka qalabka loo adeegsado baadhitaanka mukhaadaraadka ayaa noo qorsheysan, Ciidanka Taraafiga, oo tababaro adag loo sameeyo iyo ciidanka Ilaalinta Cashuuraha, sidoo kale keenitaanka hanaanka diiwaangelin isku-xidhan (Data-base) si dembiyadda dalka goboladiisa loola wada socdo, qalab tiknoolajiyad (aanan shaacinayn) noociisa ayaa noo qorsheysan  hirgelintiisa, waxa noo qorsheysan inaan raashinka ciidanka booliiska oo dhan soo saarno, intaan rig ka qodno beerta oo xilligan saddex cagaf iyo saddex ceel ka qodan yihiin, kuliyadda tababarka ciidanka booliiska waxaan la mataanayn doonaa kuwo ku yaala wadamadda Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Taiwan, Uganda, si ay u noqoto mid jaamacadaha caalamka ku xidhan, waxuu gunaandkii mahadcelin balaadhan u jeediyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi oo u sheegay inuu marwalba si hagar-la’aan ah u fuliyo waxii codsiyo la xidhiidha baahiyaan ciidanka dhinac qalab iyo dhinac kale-ba u fuliya, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo marwalba tallo iyo tusaale la garab taagan ayuu u mahadceliyey

 

Leave a Reply