Mashruuca Nashqadda Jidka Oodweyne oo la Daah-furay

0
575

Burco (Dawan)- Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani ayaa daahfuray Mashruuca daraasadda iyo nashqadda Waddada isku xidhaysa magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Hargeysa oo uu maalgelinayo Baanka Horumarinta Africa

Mumaasibaddii Daah-furka Mashruucan oo lagu qabtay magaalada Burco, waxa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Badhsaabka Gobolka Togdheer, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Duqa Degmada Burco, Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne, Marti-sharaf ka socotay Baanka Horumarinta Africa iyo marti sharaf kale oo badan.

Kulankaasi waxa hadallo ka jeediyay masuuliyiin ku hadlayay magaca wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland, madaxda baanka horumarinta Africa iyo madaxa mashuuraca waddadani, kuwaasi oo faahfaahin ka bixiyay daraasadda lagu samaynayo waddadani.

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in mashruucan laga maalgelinayo baanka horumarinta Afrika, iyada oo darasaadan la daah-furay ay qaby ka tahay daraasad kale oo lagu samaynayo oo socota oo lagu samaynayo waddada isku xidhaysa Boorame iyo waddamada jaarka ah. Iyada oo dhammaan waddooyinkaasi ay maalgelinayaan baanka horumarinta Afrika.

Daraasadan ayay ku tilmaameen in ay tahay mid muhiim ah oo lagu qiimaynayo jidka Burco iyo Oodweyne oo ah boqol iyo shan iyo siddeetan kiiloomitir, iyada oo ay daraasadani muujin doonto dhaqaalaha ku baxaya waddadan iyo dhaqaalaha ay soo kordhin doonto iyo waliba mustaqbalka in ay jirayso.

Ugu dambayn waxa soo xidhay Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani oo ka waramay mashruucan ahmiyadiisa kana mahadceliyay gacanta wayn ee mashaariicaha socda ku leeyihiin Baanka Horumarinta Africa.

 

Leave a Reply