Xildhibaan Barkhad Batuun oo Ka-faalo qaaday Waxbarashada 100 Arday oo Danyar ah

0
505

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun  ayaa kafaalaqaaday 100 arday waxbarashadooda.

Waxaanu sidan ku sheegay war qoraal ahnoonyu soo dhogsy bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.

Waxaanu yidhi.”Waa ii sharaf in aan maanta dib uga billaabay Buulkaygi ahaa Xafiiska Ololaha Doorashaydi Baarlamaanka Ololihii labaad ee aqoonta  ardeyda Hargeysa ee awood dhaqaale u waayey in ay wax bartaan.

Ardeydan oo tiradoodu tahay 100 Ardey oo Wiilaal Iyo Gabdho ah, dugsiyada Nuuradiinna aan ka soo diwaan galiyey lacagtooda waxbarashana aanan shirkad iyo shaqsiyaad midnaba uga qaadin Illa inta ay dhammeynayaan dugsiga dhexe iyo sarreba aan dhabarka ugu ridanaayo.

Waxa aan ALLE ka baryayaa in uu ka dhigo hormuuddo kaalin gala oo horumar gaadhsiiya dalkooda iyo dadkooda, Insha Allah.”

Leave a Reply