Wasaaradda Deegaanka oo Dhir kala Duwan ka Qaybisay Gobolka Awdal.

0
241

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda deegaanka ee Somaliland ayaa deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ka qaybisay dhir kala duwan oo loogu talogalay in lagu beero gobolkaasi.

Isu duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal Cabdihawaab Xuseen Muumin ayaa sheegay in dhirtaas loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa illaalinta iyo kobcinta dhirta.

Waxa kale oo uu sheegay in dhirtaan loo qaybin doonno qaar ka mida magaalooyinka gobolkaas ku yaala, kuwaasoo lagu beeri doono si kor loogu qaado bilicda magaaloyinkaas iyo in lagaga hortago cimilo doorsoonka iyo xaalufka ku socda dhulka.

Kormeerka guud ee wasaaradda deegaanka u qaabilsan gobolka Awdal Carab Diiriye Warsame ayaa u mahadceliyay wasaaradda deegaanka Somaliland, oo uu sheegay in ay dadaal ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka deegaanka siiba dhirta, xilli ay dunidu wajahayso isbaddalka cimillada, kaasoo ay dunidu si weyn u hadal hayso ka hortaggiisa iyo kasoo kabashadiisa.

Wasaaradda deegaanka ee Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dadaalo ku saabsan sidii ay dhir u gaadhsiin lahayd gobollada dalka, kuwaasoo ay ka billawday magaalooyinka qaar qaybintooda.

Leave a Reply