Guryaha Qaaliga ah ayaa Derbi Jiif ka Dhagay!

0
451

Dalka Hon Kong, bulshadan waxa guryo u ah biriishiyada hoostooda, halkaasi oo si iskood ah u sharxadaan kana dhigtaan guryo qurux badan,  Qaybta yar ee uu goostay qof kasta oo derbijiif ahi, markaad gudaha usoo gasho waa guri aad u qurux badan, oo aanad u malayn Karin inuu yahay guri uu degan yahay qof derbi jiif ahi.

Odayga Cheung  Muk-gun, oo ah derbi jiif  72 jir ah, waxa uu ku cunaya hamburger  goobta yar ee biriishka hoostiisa ee uu guriga ka dhigtay kuna taalla koonfurta Hong Kong.

Waxa uu degan yahay  qol yar oo uu maryo iyo shirac ku xidhay, oo aan sharci ahayn oo ka dhex taagan goobta bulshada ugu saboolsani degan tahay ee dalkaasi.  Qiimaha hantida ma guurtada ah ee guryahu ka  mid yihiin ee aad u sarraysa ayaa keentay inay dad badani ku dhacaan hoy la’aan.

Inkasta oo aanu hoy lahayn haddana waxa uu ka sheqeeya bakhaar hilibka lagu qaboojiyay oo laguna iibiyo, isagoo bishii ay soo gasho dakhli u dhigma $ 279. Waxaanu u sheegay inuu sii ahaan doono derbi jiif  madaama guryuhu ay yihiin kuwo qaali ah. Odayga Cheung  Muk-gun ayaa sheegay inuu isagu noloshiisa oo dhan mareeyo, oo aanay jirin cid kale oo wax la qabataa.

 

 

Leave a Reply