Maxay tahay Heesta Fanka Soomaalida Indhaha Caalamka ku soo Jeedisay

0
695

Waxa todobaadkii u dambeeyey hadal-haynta ugu badan ee baraha bulshada haystay hees ay ku luuqaysay fannaanadda Nimco Cilmi Cali (Nimco Happy) oo kamida dhalinyarada fanka casriga ah masraxyada ka qaada ee Soomaaliyeed, taasoo la yidhaahdo “ISII NAFTA”

heestan oo si weyn looga daba dhacay ayaa soo jiidatay dad badan oo ajaaniib oo isticmaala baraha bulshada, kuwaasoo isugu jira dad ehel u ah fanka iyo fanaaniin caan ah oo u dhashay shanta qaaradood ee adduunka.

Heestan waxay xitaa soo jiidatay warbaahinta adduunka qaarkeed iyaga oo wax ka qoray.

Muuqaalada ugu badan ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ku saabsan heesta Nimco Happy oo ay ku ciyaarayaan dad badan, waxaana ka falcelinayay dad u badan ajaanib.

Heestaan ayaa la sheegay in aad looga dhagaysanayay maqaayadaha lagu caweeyo ee magaalooyinka London iyo New York maalmihii la soo dhaafay, taasoo timi kaddib markii ay fanaaniinta dalkaasi kuwooda loogu jecel yahay mid kamida ay noqotay dadka heestan iyagoo adeegsanaya ka soo muuqday fagaareyaal waaweyn iyo baraha bulshada.

Sidoo kale, Bilihii lasoo dhaafay waxa heestan ka daba dhacay maaliyiin qof oo adeegsada baraha bulshada, waxaana  si weyn loogu ciyaarayay arooska kasta oo ka dhaca dhulka Soomaalida iyo dalalka dibadda.

Heestan u laxamaysan, una dhisan qaabka jigjigta amma Muusikada deg deg ah, sidoo kalena eryadeedu ay gabi ahaanba ka hadlayaan dareen, jacayl iyo humaag-sameeyayaal farshaxan leh, ayaa waxay markii ugu horaysay duubtay Gabadha qaadaysaa 2017, markaasoo ay soo gashay mareegaha bulshada ee muuqaalada baahiya. waxa jiray hees kale oo uu kaga falceliyey fanaan kale oo dhalinyaro ah oo aan iyadu sidaas u tis qaadin.

Nimco oo magaceeda Fanka ay caanka ku noqotay loo yaqaano (Nimco Happy) waxay 2015kii kusoo biirtay fanka iyo suugaanta, waxay xilliggaas bilowday in heesaheeda ay galiso baraha bulshada, laakiinse xilligaas sidan umay hana-qaadin heeseheedu.

Nimco Happy oo dhawaan kusoo biirtay barta TikTok ayaa haatan waxaa boggeeda kusoo xidhmay in ka badan 250 kun oo qof halka ay caalamadda jamasho ama Likes u saareen in ka badan 2 malyan oo qof.

Muuqaallada qaar ay soo dhigtay bartan ayey daaween in ka badan 4 Milyan oo qof, waxay durbadiiba heshay astaanta buluugga ah ee la siiyo dadka caanka ah.

Fanaaniin iyo majaajislistayaal caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii iska duubayay muuqaalka heesta Isii Nafta ee Nimco Happy.

Nimci Happy oo wareysi siisay warbaahinta Buzzfeednews waxay sheegtay inay ku faraxday markii ay dhawaan aragtay in heesteeda si weyn ay u qabsatay caalamka.

“Aad baan ugu farxay, dareenkeyga ma cabbiri karo, waxaan ogaaday in adduunka la iiga aqoonsaday, haatan waxaan ahay qof caalami ah” ayay ku tidhi warays.

Waxay intaa ku dartay in heesteeda ay soo jiidatay dadka ajaaniibta ah isla markaana ay ku faraxsan tahay in dhaqanka Soomaalida la jeclaado heesteedana ay qeyb ka tahay.

“Waxaan arkay heesteyda oo ay ku luuqeynayaan wiilal caddaan ah, sidoo kale gabdho Asian ah ay ku heesayaan, dhammaantood waan daawaday”

Sida ay wariyeen warbaahin kala duwan oo caalami iyo maxaliba isugu jiraa  shirkaddo kala duwan oo caalami ah ayaa tartan u galay baahinta gaarka ah ee heestan iyo inay heshiis la galaan Fannaanada Soomaaliyeed ee Nimco Hapy, waxaana lagu waramay inay shirkadda Polydor Records ku guulaysatay.

Shirkadda Polydor Records oo fahnnaaniinta iyo heesaha diiwaan galisa ayaa la sheegay inay la xidhiidheen Nimco Happy, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah, sida Buzzfeed News.

Polydor Records Ltd. waa shirkad laga leeyahay waddamada Jarmalka iyo Ingiriiska oo qayb ka mid shaqadeeda ay tahay howlaha la xidhiidha muusiga caalamiga ah, Waxaanay ku soo xidhan tahay shirkado badan oo qaabilsan diiwaan galinta fannaaniinta iyo fanka caan baxay.

Xogogaalkii u dambeeyey ee arrinta heestan iyo Nimco waxa ay sheegeen in heshiis rasmi ah dhex matay Shirkadda iyo Gabadha.

Haddaba, maxay yihiin waxyaabaha soo jiidashada leh ee ku jira heestan?

Heestan waxyaabo badan oo muhiim ka dhigi karaya sababta ay heerkan u gaadhay ayaa ku jira, waxaana kamida:-

Gabadha Nimco Happy marka ay heesta qaadayso waxay xidhan tahay lebis ka turjumaya Gabadh Soomaaliyeed oo asturan. marna lama arkayo meel kamida madaxeeda oo qaawan, waanay asturantahay.

Farshaxanka heesta loo tumay, ereyada macaan ee  baaqa jacaylka bixinaya iyo hab-dhaca masraxiyaddeeduna waa kuwo soo jiidasho leh oo saamaxday inay dhalinyaradu si fudud ugu madadaalan karaan ama ay kaga ciyaari karaan bandhigyada caadiga ah.

Sidoo kale Heestan erayadeeda waxa ku jira midho lagu turjumay luuqado qalaad oo dhowr ah, waxaana kamida Carabi, Ingiriisi iyo Sawaaxilli. eryadaasi oo dhextaal u ah.

Eryadda heesta ISII NAFTA waxa kamida;

Arkoo damacaa eryaaya

Uur-ba jeceel aan huraynee

Ha aadin dheh meel kaleeto

Jaceylka ku aamin laabta

Qalbiga ku abuur dareenka

Ubaxa aan beeray maanta

Ha aasine adigu muuji

Ogsoonoo inaan ku kujeclahay

I love you more than my life

Ana xibak yaa xabiibi

Nakupenda mimi saba

Waa u jeedada caashaqayga.

Ugu dambeyn maaha heestan iyo Gabadhani fankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee galay diiwaannada caalamiga ah, hase yeeshee waxa horeba fagaareyaasha caalamiga ah ugu guulaystay fanaaniin badan oo Soomaali ah, kuwo iminka nool iyo kuwo dhintayba.

Waxa kamida kuwa nool fanaannada Maryan Mursal Ciise oo ku jirta Shirkadda Sony Music ee caalamiga ah.

 

Leave a Reply