Guddida Joogtada ee  Golaha Guurtida oo la  Kulmay Taliyaha laanta Socdaalka

0
272

Hargeysa (Dawan)  – Guddida joogtada ah ee golaha guurtida ayaa maanta kulan xogwaraysi ah la qaatay laanta socdaalka ee somaliland.

Kulankaas oo warbaahintu dibadjoog ka ahayd, ayaa waxa markii uu soo dhammaaday wax warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka ee Somaliland sarreeye guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) iyo guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha guurtida mudane  Dayib Xasan Axmed, waxaana ay sheegeen inay ka wada hadlayeen shaqada ay hay’addaasi qaranka u hayso iyo waxa laga yeelayo dadka soo galootiga ah ee ku sugan Somaliland.

Waxaana ay intaas ku dareen in dadka aan haysan sharciga dalka ama aan u dhalan la raafi doono hadduu qaranku u baahdo, iyagoo xusay in laanta socdaalka iyo guddida joogtada ah ee goluhu ay yeelan doonaan xidhiidh, ay xogta isku waydaarasadaan isla markaana ay u gudbin doonaan gole weynaha waxyaabaha ay isla qaataan ama isla afgartaan labada dhinac.

Leave a Reply