Xildhibaan Cabdirashiid oo rajo ka muujiyay in xal loo heli Doono arrin in muddo ka taagnayd Dad danyar

0
318

Berbera (Dawan) Cabdirashiid Maxamed Yuusuf oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka ee degmada Berbera ayaa rajo ka muujiyay in xal loo heli doono arrin in muddo ahba ka taagnayd dad danyar ah oo cabasho ka muujiyay goob la yidhaa xero Aboo,  ay sheegeen in dawlada hoose ee degmadaasi ay ka rarayso.

Xubinta golaha degaanka ee degmada Berbera oo qoraal ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay ee Facebook, wuxuu sheegay in helay warar sheegaya in arrintaas uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u saaray guddi uu hoggaaminaayo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta, kuwaas oo dhawaan Berbera u tagi doona xal u helida arrintaas.

Masuulkaasi waxa arrintaas ku amaanay madaxweyne Muuse Biixi, waxaanuu ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan loo qaaday.

Leave a Reply