Hooyada iyo Kalgacalka Ubadkeeda!

0
407

Buuga La-Taxsan bogiisa 230 waxa uu ku soo bandhigay qoraaga “Caa’id Qarni” qiso lagu daabacay wargeyska Tasmiim, kaasi oo ah in nin dhalinyaro ah oo degenaa magaalada Dimishiq ee dalka suuriya uu doonayay inuu baxo safar debeda. Ninkaasi ayaa diyaarsaday Tigdhkii Diyaaradda uu raacayay.

Wiilkan ayaa la sheegay wakhtiga ay duulayso dayuuradda uu rabo inuu raaco, isla markii uu ogaaday in aanu dhowayn wakhtigu wuxu tegay gurigsiisa waana uu iska seexday.  Hooyadii oo isagi keligi dhashay ayuu ka codsaday inay toosiso saacadu marka ay gaadho wakhtiga ay dayuuraddu duulayso.

Laakiin Hooyadii ayaa intii uu hurday Tv-ga ka daawatay in maanta ay hawadu aad xun tahay oo duulimaadku uu aad u halis badan yahay, sidaas darteedna waxay go’aansatay in aanay wiilkeedii hurdada ka toosin ilaa inta ay dayuuraddu duulayso si aanu halista ugu dhicin.

Hooyada ayaa markii ay ogaatay inay diyaraadu duushay,  isku dayday inay wiilkeeda geerida ay kala baxsatay toosiso, nasiib daro waxay la kulantay wiilkii oo mayd ah, naftuna ka baxaday. Sidaas darted ma jirto sabab iyo xeelad geerida badbaadisa, hadaad wax kasta samayso.

Leave a Reply