“Shacab weynaha Somaliland waxaan ugu Baaqayaa in ay ka Faa’iidaystaan Dhirtan waa in aan wada Qaadano Qorshaha Caggaarinta”… C/qaadir Maxamed Xasan

0
137

Qorshaha Cagaarrinta ee uu curriyay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Aby Axmed, ee Green Ligancy ayaa dhir qayb ka ah waxaa dabayaaqadii bishii October ee sanadkan la soo gaadhsiiyay dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Dhirtaasi oo dhamayd 50,000 oo geed oo isugu jira noocyo kala duwan ayaa qayb ka ah hal milyan oo geed oo ay dawladda Itoobiya u qorshaysay Somaliland in ay ku soo gaadhsiinayso qorshaha Cagaarrinta wadamadda barriga Afrika ee ay dawladda federaalka Itoobiya qaadatay.

Waxaana dhirtaasi magaaladda Hargaysa lagu soo gaadhsiiyay baabuur lagaga soo qaaday magaaladda Jig-jiga, isla markaana ay la socdeen wefti wasiirro iyo masuuliyiin isugu jiray oo ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weftigaasi oo uu hogaaminayay wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhirtaasi kala wareegay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Hadaba qormadeenna todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, ayaynu ku soo qaadan doonaa hadalkii uu wasiir ku-xigeenka DDS Itoobiya ka socday uu ka yidhi markii uu dhirtaasi ku wareejinayay wasiirka deegaanka Somaliland.

C/qaadir Maxamed Xasan, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Caawa (21-kii bishii hore), halkan aan taagan nahay, waa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland kaasoo aanu ugu tallo-galnay, anagu ka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ahaan, iyo dawladda federaalka ah ee Itoobiya ba.

Iskaashigii aanu ugu tallo-galnay wadamadda jaarka ah, si iskaashi loo sameeyo, dadku na isku dhex gallaan,  wasaarraduhu isku dhex gallaan, horumarka na la isku dhex geliyo, la isku na kaashaddo.

Qorshihii uu dalku qaatay ee Cagaarrinta ahaa, ayaanu qaybtii u horaysay caawa (21-kii bishii October) halkan wasaaradda deegaanka Somaliland aan ku wareejinaynaa. Wasaaradu na si wanaagsan ayay noogala wareegtay.

Guud ahaanna waa wejigii koowaad ee aanu ugu tallo-galnay in lagu Cagaarriyo wadamadda nala jaarka ah, maadaama uu dalka Itoobiya qaatay in wadanka Green Legacy-ga wadanka la wadda gaadhsiiyo, oo wadanka la Cagaarriyo. Dhaqaale Cagaarran markaa si loo abuurro, ayaanu ugu tallo galnay in guud ahaan wadanka laga fuliyo, si markaa wadanka arrintaasi uga fusho, waa in wadamadda jaarka nala ahna la gaadhsiiyaa, arrintaasi si ay iskaashi u noqoto”.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo kaymaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtan ay Somaliland soo gaadhsiiyeen in ay qayb ka tahay qorshihii uu qaatay raysal wasaaraha Itoobiya ee Cagaarrinta wadamadda Barriga Afrika.

Wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya C/qaadir Maxamed Xasan, ayaa ugu baaqay guud ahaanba wadamadda qaaradda Afrika in ay muhiim tahay in la wada qaato qorshahan Itoobiya ee Cagaarrinta, si loo abuurro dhaqaale Cagaarran, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo is dhex gal bulsho iyo mid dhaqaaleba.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waa qorshihii raysal wasaaraha wadanka Itoobiya uu qaatay. Anagu na ka dawlad  deegaan ahaan wadamadda naarka nala ah in aanu arrintaasi cover garayno, ayaanu deegaan ahaan u qaadanay, anagoo la kaashanayna komishanka deegaanka ee federaalka Itoobiya, ayaanu maanta (21-kii October), waxaanu u soo rarrnay   dhir qaybtii u horaysay ah, oo halkan aanu ku wareejinayno wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Waana dhir loogu tallo-gallay dhamaanba wadamadda nala jaarka ah in la gaadhsiiyo, qaybtii ugu horaysay, waxaanu ugu soo horaysiinay  dalkan Somaliland in ay ka faa’iidaystaan. Waxaanan kula talinayaa dhamaanba wadamadda Afrika, arrintan Cagaarrinta ee uu dalka Itoobiya qaatay, in aan wadda qaadano.

Maadaama muhiim ay tahay isbedelka cimiladda dhibaatooyin badan ay ku hayso dalalka Afrika, weliba, dhibaatooyin addag oo hadda bini’aadamka dhibaatooyin u gaystay, maadaama ay imika jiraan, in markaa aan wadda qaadano qorshahan Caggaarrinta, oo dhirtan aan idiin keennay in laga wadda faa’iidaysto, lagu na tallo gallo”.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka ee DDS Itoobiya, ayaa ugu baaqay shacab weynaha reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan dhirtani ay soo gaadhsiiyeen, isla markaana qof kastoo uu geed soo gaadhaa uu ku dedaallo sidii geedkaasi taabo-gall u noqon lahaa.

C/qaadir Maxamed Xasan, waxa kaloo uu ka sheekeeyay waxyaabihii Indhihiisa soo jiitay ee uu arkay intii uu ku soo jiray jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargaysa iyo Jig-jiga, taasoo ay ugu muhiimsanayd dhir farra badan oo laga beerray jidka dhex marra magaaladda Gabiley.

“Shacab weynaha Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ka faa’iidaystaan dhirtani. cid kastoo uu geed soo gaadho, waa in aanu geedkaasi dhimanin, laga na faa’iidaysto, ay noqoto na geed soo baxay. Berri ka maalin na, uu noqdo magaca.

Waxyaallo fiican ee hadda aan soo arkay Gabiley  iyo dhulkan inta aan soo marayay, ruux kastoo Guursadaa, geed buu beerraa. Geedkaa na hadhow magaciisa iyo isagaa lagu soo xasuustaa. Markaa cid kastoo dhala tana, in geed loo beerro-na, waan ku darri lahaa” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka ilaalinta deegaanka iyo kaymaha ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Leave a Reply