Maxay tahay kaartada lala yaabay ee uu la yimi Kim Jong-un?

0
375

Dhowr iyo toban sano, Waqooyiga Kuuriya waxa ay ahayd mid ka mid ah bulshooyinka ugu xidhan uguna qarsoodiga badan adduunka, iyo mid ka mid ah waddammada tirada yar ee weli – ugu yaraan magac ahaan – ku hoos jira xukunka shuuciga.

Waxa sii kordhiyey go’doominta Kuuriyada Waqooyi ee beesha caalamka inteeda kale taas oo ka dhalatay hammigeeda Nukliyeerka ee ay ku doonayso inay ku gaadho iska dhicin adkaysi guud.

Tobaneeyo sano oo dowlad xoog leh ay gacanta ku haysay nolosha Kuuriyada Waqooyi ayaa horseeday dib u dhac dhaqaale iyo mid bulsho iyo in ay soo baxdo hoggaan ku saleysan doonista hal shaqsi.

Waxa ay sidoo ay ku eedeeyeen haayadaha xuquuqda aadamaha u doodaa Kuuriyada Waqooyi in laga geystay xadgudubyo nidaamsan oo xuquuqda aadanaha ah ka dhan ah.

 

Dhawaan ayaa laga soo sheegay halkaas in hogaamiyahooda Kim Jong-un uu sawirada aabihii iyo awoowgii ka saaray dhismeyaasha dowladda, wuxuuna bilaabay buunbuuninta fikradda cusub, “Kimjongunism” isagoo isku dayaya inuu ku jebiyo hadhaagii awoowyaashii oo uu ku adkaysto. aqoontiisa hogaamiye ee geesinimada leh, sida uu qoray wargeyska The Times ee ka soo baxa Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, ereygan cusub oo uu dhawaan magacaabay, waxaana sawirrada Kim Jong Il oo ah aabihii Kim Jong Il iyo awoowgii ​​Kim Il Sung laga saaray dhismayaal rasmi ah oo ku yaal caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale billowday inay Kim ku tilmaamto “Hogaamiyaha Wayn,” oo ah erey markii hore loogu yeedhi jidhay awoowgii, Kim Il Sung.

Jariirada The Times ayaa sheegtay in macnuhu uu mugdi ku jiro, maadaama aanay qeexin fikrad siyaasadeed oo gaar ah, waxayna u badan tahay in aanay ahayn wax kale ee keliya uu ka rabo xaqiijinta weynida Kim iyo xikmaddiisa, waxayna tilmaamaysaa madax-bannaanida Kuuriyada Waqooyi oo aan ahayn reer galbeedka oo keliya, laakiin sidoo kale waxay ka madax bannaan tahay isbahaysiga shuuciga ah.

Khubarada ayaa aaminsan in go’aankani uu ka turjumayo ujeedada Kim uu ku abuurayo kalitalisnimo isaga u gaar ah, maadaama ixtiraamka awoowyaasha ay illaa hadda calaamad u ahayd boqortooyadii Kim, haddana u eeg tahay in meesha laga tirayo.

 

XIGASHADA

Kim waxa uu ka soo horjeedaa qaybo badan oo ka mid ah nidaamka aabihiis iyo awoowgiis, gaar ahaan kuwa isku xidha sharcinimada dhaxalka iyo ixtiraamka awoowyaashiis.

Qoyska Kim ayaa muddo dheer caan ku ahaa in ay ixtiraamaan awoowayaashood, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid aan la soo koobi karin.

Si kastaba ha ahaatee, isaga oo isku dayaya in uu meesha ka saaro fikradihii ka horreeyay oo uu aasaaso dhaxalkiisa isaga u gaar ka ah, Kim Il-sung waxa uu mamnuucay qoraallada Karl Marx, Vladimir Lenin iyo Joseph Stalin.

Waxaana muuqata in waayo cusub uu qaaday dalkaasi.

 

Leave a Reply