Hoggaamiyaha Daallibaan oo soo saaray amar ka dhan ah ‘jaajuusiin ku dhex jira

0
357

Hoggaamiyaha sare ee Daalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeedhay “daba-dhilifyo iyo jaajuusiin ku dhex jira” kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan.

Ayada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaadhsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo naadir ah, waxaanu taliyeyaasha Daalibaan siiyey amar ah inay sifeeyaan talisyadooda.

Waxaanu yidhi “dhammaan odayaasha kooxdu waa inay eegaan talisyadooda oo ay arkaan haddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka shaqeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, kadibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cidhib-tiraa.”

“Khalad kasta oo dhaca, odayaasha ayaa masuul ka ah cawaaqibkiisa dunida iyo aakhiraba,” ayuu ka digay Haibatullah Akhundzada oo qoraalkiisa lasoo dhigay cinwaano dhowr ah oo Daaliibaan ay ku leedahay twitter.

Daalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxdu kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaarad iyo dowladdii hore.

Leave a Reply