Shirka Wada-tashiga Siyaasada Qaran ee xuquuqal Aadamaha Somaliland oo Hargeysa ka Furmay

0
300

Hargeysa (Dawan) Koomiishanka xuquuqul insaanka qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furay shirka wada tashiga siyaasadda qaranka ee xuquuqda aadamaha Somaliland.

Mudada uu kullankaas socda ayaa waxa lagu falan-qayn doonaa siyaasadda heer qaran ee xuquuqda aadanaha, iyadoo ay ka soo qayb-galeen daneeyeyaasha xuuqda aadanaha ee Somaliland.

Gudomiyaha komishanka xuquuqul insaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali, oo ugu horrayn goobtaasi ka hadlay waxaa uu yidhi. “Waxaanu doonayna inta xeerkani xeer noqonayo in aad nala joogtaan, anaguna aanu idiin yeedhno tallaabo kasta oo la qaaday.

Waxa aanu idiin dooranay qaybkasta xuquuqal iinsaanka ka mid ah, ama carruurtii ha noqoto ama dumarkii ha noqoto, ama dadka aan laxaadkoodu dhammeyn ha noqoto midkastaaba qaybtii ku shaqada lahayd in ay u aragto in ay qaybteedii ku soo darsatay oo siyaasadani noqoto mid loo midaysan yahay”

Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan , ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay, ujeedada laga leeyahay in la sameeyo siyaasada Qaran ee xuquuqal iinsaanka waxaanu yidhi.“Koomishanka xuquuqal iinsaanku waxaa uu u xilsaaran yahay ilaalinta, kormeerida, iyo dabagelida arrimaha xuquuqal iinsaanka guud.

Ujeedada aynu ka leenahay siyaasada xuquuqal iinsaanku waa in la helo ama la mideeyo hawlaha daneeyayaasha kala duwan, haddii ay yihiin wasaaraddaha dawladda, haddii ay yihiin ururada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, sidii aynu u midan lahay.

Waa mihiim in la helo hannaan quruxsan oo quman, oo lagu kormeero isla markaana lagu dabagalo hay’addaha iyo wasaaraddaha dawliga ahi adeegyada ay bulshada siiyaan, sidii loo kormeerilahaa, ma loo dabagelilahaa, oo marka aynu helo hannaan aynu ku kormeerno kuna caddahay cidkastaaba doorka ay leedahay waxa innaga yaraanaya kormeerkii ahaa in hay’addkastaaba ay qabsatay hawlaheedii shaqo iyo in kale, nuxurkuna waxa uu yahay in kulankani ay ka dhalato siyaasad uu Qaranku leeyahay”

Leave a Reply