Burco: Ciidanka Dabdamiska oo soo Badbaadiyay Hanti kala duwan

0
436

Hargeysa (Dawan) Ciidanka dab-demiska ee magaalada Burco ayaa sheegay in ay hanti kala duwan ka soo badbaadiyeen xaafado ku yaal magaalada Burco oo dab qabsaday.

Warkooban oo ka soo baxay ciidanka dab-demiska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay soo badbaadiyeen 10 Milyan oo shilinka Somaliland ah, Dahab, 38 Moobil , 8000 lacagta Birta ah iyo lacag dollar ah.

Guryaha dabkaasi qabaday ayaa ahaa 5 buul, iyadoo dabkaas laga xakameeyay 20 buul oo kale, kuwaas oo ka ag dhawaa, iyadoo agabkaasna ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka ee degmada Burco.

Waxa kale oo ay ciidankaasi sheegeen in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo dabkaasi uu gaystay, waxaanay intaas ku dareen in ay ku guuleysteen bakhtiinta dabkaas.

Leave a Reply