Laascaanoood (Dawan) Cabdikariin Xaaji Diiriye guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas.
Guddoomiyaha cusub waxa soo dhawayntiisa qayb ka ahaa masuuliyiin uu horkacaayay guddoomiyihii hore ee gobolkaas laga badalay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo uu xilka kala wareegi doono.
Guddoomiye Cabdikariin Xaaji ayaa dhawaan xilkii gobolka Gabiley ku wareejiyay guddoomiye Jiidhe, oo uu isna kala wareegi doono xilka gobolka Sool.






















