Wasiirka Jidadka  oo kormeeray Waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera

0
304

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland,  oo uu weheliyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka ayaa kormeer shaqo ku tegay dhismaha waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ka dhegeystay Shirkadaha gacanta ku haya dhismaha waddadaasi, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddiga dhismaha waddadaasi Injineer Ciise Yuusuf Xamar, oo sheegay in wasiirka ay xog ka siiyeen dhismaha waddadaasi halka uu marayo iyo wakhtiga ay dhammaan doonto waddadu.

Mawliid Nuux Ibraahin Maareeyaha guud ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland Mawliid Nuux Ibraahin ayaa cidkasta oo wadadaasi ku safaraysa gaar ahaanna wadayaasha gaadiidka reer Somaliland ku booriyay inay sameeyan taxaddar lana socdaan calaamadaha loogu talagalay inay kala hagaan gaadiidka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdrisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) ayaa sheegay in waddadani ay tahay waddooyinka halbawlaha ah ee Qaranka, taasoo dekedda caalamiga ah ee Berbera ku xidhaysa waddamada jaarka ah.

Geesta kale wasiirku waxa uu ka hadlay dad uu  sheegay in muddooyinkii u dambeeyay inay wax ka sheegayeen horumarka Somaliland gaar ahaan dhanka mashaariicda waddooyinka, waxaana uu tilmaamay in taa baddalkeeda waqtigan lagu jiro aanu dalku u baahnayn hadal ee uu u baahan yahay waxqabad iyo hawlbadan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waa waddooyinka halbowlaha u ah una noqon doona dalkan iyo mushtamiciisa, wakhtiga dhaw ee soo socda, waa jid iyo mashruuc ay lacag fara badani inagaga baxday, waa waddo iyo mashruuc wax weyn ka tari doona arrimaheena dhaqan dhaqaale iyo jiritaanka ganacsi, ee aynu la leenahay mandaqada geeska Afrika iyo waddankeena gudihihiisaba.

Waana jidka halbowlaha ah ee isku xidhaysa dekadda caalamiga ah ee Berbera waddamada jaarka ah, dhexmaraysana dalkeena magaalooyin mihiim ah, sidaasi darteed anaga oo doonayna in aanu guddano shaqadayada waxa aanu ugu kuurgalayna mashaariicda kala duwan ee dalka, aad ayaan ugu mahadnaqayaa shirkadaha hawsha qabtay.

Somaliland hadal uma baahna ee hawl ayay u baahan tahay, Somaliland sheeko uma baahna ee shaqo ayay u baahan tahay, waxa loo baahan yahay sidii loo hirgelinlaha wixii ubadkeena ubadkoodu ay inaga dhaxli lahaayeen”

Leave a Reply