Wasiirka arrimaha Gudaha oo la Kulamay Ku Simaha Xafiiska UK ee Somaliland.

0
354

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay ku simaha xafiiska UK ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Amniga iyo La taliyaha wasiirka ayaa kulan la qaatay ku simaha xafiiska UK ay ku leedahay Somaliland Mr. Morgan Riley iyo Mr.Martin Gartska.

Kulankaas ayaa u jeeddadiisa lagu sheegay inay ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana kor loo qaadoo hannaanka wada shaqayneed ee labada dal.

 

Leave a Reply